Ku dhawaad 10 qof ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen rabshado xalay illaa maanta hareeyay Magaalada Boorama, iyadoo in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen rabshadaasi.
Ciidamada Somaliland ayaa waxay isku dhaceen dad mudaaharaad ka dhigayay magaalada, taas oo xaaladda magaaladaasi ka dhigtay mid aad u kacsan.
Mudaaharaadka ayaa xalay ka bilowday Boorama, ka dib markii Xukuumadda Somaliland ay ogolaatay in Bandhigga Buugga Xeer Ciise lagu qaban karo Magaalada Saylac.
Dadka ayaa bilaabay in ay ka dibadbaxaan ogolaanshaha ay xukuumadda bixisay, iyagoo markaasi gebi ahaanba ka biyo diidan in buuggaasi lagu soo bandhigo Saylac.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay is dejiyaan, isagoona tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay rabshadahaasi.
Madaxweynaha ayaa amray in Ciidamada Militariga laga saaro magaalada iyo in dib loogu celiyo xeryahooda.
Dhanka kale dad si iskood ah isku soo xilqaamay ayaa caawa bilaabay inay dhiig shubaan, si ay caawinaad ugu noqoto dhaawacyada dadka xaaladdooda lagu la tacaalayo Isbitaalka Guud ee Boorama.
Dadka ayaa ka jawaabaya codsi maanta ka yimid Maamulka Isbitaalka Guud ee Boorama, laguna dalbanayay dhiigga noocyadiisa kala duwan, marka laga reebo O+.
Agaasimaha Waaxada Qorsheynta Dowladda Hoose ee Boorama ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay isbitaalkaasi, iyagoo ka qayb qaadanaya gurmadka ka socda isbitaalka.
Isbitaalkan ayaa waxaa ka jira mashquul badan, halkaas oo ay gaarayaan qoysaska, ehelada iyo saaxiibada dadka lagu daweynayo.
Si kastaba ha-ahaatee Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Somaliland qaarkood ayaa lagu wadaa inay taggaan Boorama, si qayb uga noqdaan dadaalada lagu dejinayo xaaladda magaaladaasi.