Home Dhacdooyin Cabsi aan horey loo arag oo soo wajahday Soomaalida Minnesota

Cabsi aan horey loo arag oo soo wajahday Soomaalida Minnesota

by Laacib

Ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu maalmihii la soo dhaafay xoojiyay weeraradiisa afka ee ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka, Saraakiisha Socdaalka Mareykanka iyo Ilaalinta Kastamyada ayaa ku soo badanaya Gobolka Minnesota, oo ah gobolka ay ku badan yihiin Soomaalida Mareykanka.

Ciidamada ICE ayaa sameynaya olole bartilmaameed oo ka dhan dadka Soomaalida, si loo tarxiilo kuwooda aan sharciga haysan, waxayna tani qayb ka tahay amar uu Madaxweynuhu ku bixiyay in la musaafurin karo.

Madaxweynaha ayaa soo galootiga Soomaalida ku tilmaamay qashin, isagoona ku dhalleeceeyay inay yihiin dad aan waxba qabsan karin, balse keliya cabanaya, isla-markaana aanay waxba ku soo kordhin dalka, aan ka ahayn inay dembiyo ka gaysanayaan. Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay inaysan Soomaalida u dooneyn inay sii joogaan dalkaasi.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Maamulka Trump uu Ciidamada ICE ku amray inay beegsadaan Soomaalida aan haysan sharciga deganaanshaha ee dalkaasi, si loogu celiyo Somaliya.

Hase yeeshee ciidamadan ayaa cabsi badan ka abuuray magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo Saint Paul, ka dib markii ay si aan kala sooc lahayn ula dhaqmeen Soomaalida sharciga leh iyo kuwa bilaa sharciga ah.

Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey iyo dhiggiisa Saint Paul, Melvin Carter ayaa mar sii horreysay ka digay in ciidamadaasi ay hadaf ka dhigtaan Soomaalida ah muwaadiniinta Mareykanka iyo inay si khalad ah u celiyaan.

Jacob Frey ayaa Talaadadii sheegay in inta badan Soomaalida Minnesota ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah, iyadoo uu xusay in in ka badan 80 kun oo Soomaali ah ay ku nool yihiin gobolka, ayna intooda badan ay yihiin kuwo leh dokumenti sharci ah.

Jacob Frey iyo Melvin Carter ayaa wacad ku maray inaysan la shaqeyn doonin Ciidamada ICE, sababtu tahay inay si gaar ah duulaan ugu yihiin bulsho dhan.

Soomaalida Minnesota ayaa dhigtay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan hadalada cunsuriyadda leh ee Trump uu kula kacay. Dad caddaan ah oo ay ku jiraan dadka u ololeeya soo galootiga ayaa sidoo kale Minnesota ka dhigay bannaanbaxyo lagu diidan yahay hawlgalka lagu raafaayo Soomaalida.

Inta badan Soomaalida ku nool Mareykanka oo ay ku jiraan kuwo Minnesota ayaa ah muwaadiniin, marka loo eego qiyaasaha sahanka bulshada Mareykanka, sida lagu sheegay sahan uu sameeyay Xafiiska Tirakoobka.

Ciidamada ICE ayaa toddobaadkan xiray 12 qof oo shan ay Soomaali tahay, sida ay Khamiistii sheegtay Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka.

Soomaalidaan la soo qabtay iyo kuwa kale ee la soo xiri doono ayaa loo diyaarinaya in lagu celiyo Somaliya.

Dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee Ciidamada ICE ay ka wadaan Minnesota ayaa cabsi iyo xiisadba ka huriyay gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in uu aad u yaraaday isu socodka Soomaalida ee labada magaalo ee Minneapolis iyo Saint Paul, oo hoy u ah Soomaalida ugu badan ee dalkaasi ku nool.

Suuqa ganacsiga ee Karmel Mall, oo ah xarun ganacsi oo Soomaalida ku badan tahay, kuna yaala Minneapolis ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay isku imaatinadii Soomaalida ee ka jiray.

Ololaha musaafurinta ee bishan December ka bilowday Gobolka Minnesota ayaa dadka Soomaaliyeed ku riixay inay is qariyaan, qaarkoodna ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, iyadoo kuwooda suuqyada ka soo dukaameysanaya ay horey u sii qaadanayaan sharciyadooda, cabsi laga qabo in ciidamadu ay isir naceyb ku kacaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee degan Minnesota ayaa waxay xaaladdan soo korortay u aragtaa dagaal toos ah oo lagu soo qaaday.

Dadka Soomaaliyeed ayaa tobanaankii sano ee u dambeysay saamayn ku yeelanayay gobolka, iyadoona gabadha lagu magacaabo Ilhaan Cumar ay tahay xubinta ugu caansan.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka tirsan Congress-ka Mareykanka, waxaana laga soo doortaa gobolkaasi.

Trump oo ah nin aan qarsan naceybka uu u qabo Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa u muuqdo mid carradiisa kala dul dhacaya Soomaalida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc