Waxaa caawa Magaalada Kismaayo lagu soo geba-gabeeyay shirkii uga socday Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta.
Dhinacyadan oo isugu yeeray Golaha Mustaqbalka Somaliya, oo ah isbahaysi siyaasadeed oo mucaarad ku ah Dowladda Federaalka ayaa shirka ka soo saaray warmurtiyeed ka kooban 17 qodob, isla-markaana khuseeya arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xaaladda bani’aadantinimo ee dalka.
Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in shirweynuhu uu mudnaanta koowaad siinayo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla-markaana uu ka hortagayo wax kasta oo dhaawacaya midnimada dalka iyo dadka.
“In meel looga soo wada jeesto, la iskana kaashado, sidii dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah, hubinti la’aan siyaasadeed iyo halista cadowga argagixisada ee Al Shabaab iyo Daacish.” Ayaa lagu yiri qodobka 2aad ee warmurtiyeedka.
Qodobka 4aad ee warmurtiyeedka oo kale ayaa lagu sheegay in muddo xileedka Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka uu ku egtahay 14-ka bisha April ee sanadka 2026 iyo in kan Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka bisha May ee sanadkaasi, isla-markaana aysan dhinacyadu marnaba aqbali doonin wax muddo kordhin ah.
“Shirweynuhu wuxuu diyaar u yahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo, sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, ka horumarsan doorashadii 2022, hufan, xoojineysa metelaadda deegaanada iyo sharciyadda Xildhibaanka, guddiga doorashaduna uu noqdo mid heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda.” Ayaa lagu yiri qodobka 5aad ee warmurtiyeedka laga soo saaray shirka Kismaayo.
Dhinacyada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu muddo bil gudaheed ah uu shir isugu yeero danleyda siyaasadda ee dalka, kana bilaabaneysa 20-ka bishan, kuna eg 20-ka bisha soo socota ee January.
Baaqa loo diray Madaxweynaha oo ku suntanaa qodobka 6aad ee warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20-ka January, 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka 5aad.”
Qodobka 7aad oo u muuqday kan ugu xasaasinaa warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka uu guda-geli doono, sidii dalka looga qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada, waa haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhegaha ka fureysto baaqooda.
“Shirweynuhu wuxuu isku raacay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqa kor ku xusan uu Golaha Mustaqbalka guda-galo, sidii dalka looga qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.” Ayuu u qornaa qodobka 7aa ee warmurtiyeedka ka soo baxay shirka Kismaayo.
Isbahaysigan ayaa ah kan ugu saamaynta badan ee loolanka ugu adag uga imanayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku celcelinaya in aan laga laaban doonin in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, si dadku ay rabitaankoodu ugu soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.
Villa Somalia ayaan iska indha tiri karin cadaadiska isbahaysigan siyaasadeed ee saamaynta badan leh, marka lagu daro in Beesha Caalamka aanay xitaa taageeri doonin in dalka laga qabto doorasho lagu kala qaybsan yahay.

