Home Wararka Maanta Militariga oo Al Shabaab ka saaray deegaanka Wadaariq

Militariga oo Al Shabaab ka saaray deegaanka Wadaariq

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya ciidamo dadka deegaanka ah ayaa Arbacadan weerar ku qaaday deegaanka Wadaariq oo hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay deegaankaasi ku wareereen maleeshiyada Al Shabaab, oo sida la sheegay maalmihii u dambeeyay isku uruursanayay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay gudaha u galeen deegaanka, isla-markaana ay ka saareen maleeshiyaadkii ku sugnaa.

Deegaanka Wadaariq oo wax ka yar 40km jihada waqooyi uga beegan Degmada Xarardheere ayaa muhiim u ah isu socodka waddada xiriirisa Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo.

Ciidamada Militariga ee hawlgalka ka fuliyay deegaankan oo ka baxay Degmada Xarardheere ayaa halkaasi u tegay, si loo xaqiijiyo badqabka dadweynaha iyo gaadiidka ganacsiga ee adeegsada waddadaasi.

Muhiimadda ay leedahay goobta ay ku taalo waddadan ayaa keeneysa inay noqoto xudun istiraatiiji ah, oo ay ku hardamaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Hawlgalkan ayaa imanaya, iyadoo Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan uu maanta xilka la wareegay.

Hoggaamiyaha Galmudug ayaa tan iyo markii xilka loo doortay 22-kii bishii October, waxa uu dhowr jeer sheegay in ay kooxaha argagixisada ka sifayn doonaan deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc