Home Dhacdooyin Shacabka codeynaya oo u dareeray goobaha codbixinta ee Magaalada Muqdisho

Shacabka codeynaya oo u dareeray goobaha codbixinta ee Magaalada Muqdisho

by Laacib

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwooda wax dooranaya ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dadweynaha ayaa ka codeynaya 523 goobood oo laga hirgeliyay gudaha magaalada, waana doorasho lagu tartamayo 16 degmo.

Goobaha codbixinta ayaa la furay 6-dii subaxnimo, waxaana uu qorshuhu yahay in la soo xiro 6-da maqribnimo.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in dadka uu waqtiga ugu dhaco, iyagoo saf ugu jira goobta codbixinta ay heli doonaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan.

Doorashadan ayaa waxaa ka shaqeynaya howladeenno gaaraya shan kun oo qof, kuwaas oo fududeynaya habsami u socodka howlaha doorashada.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya 20 Urur Siyaasadeed, oo ay u sharaxan yihiin 1,600 musharaxiin ah oo ku tartamaya 390 kursi oo yaala degmooyinka ay doorashadu ka dhaceyso oo 16 degmo ah.

Natiijada horudhaca ah ee doorashada ayaa lagu dhawaaqi doonnaa 24 saac ka dib, sida uu sheegay Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

“Annaga sharciyan 24 saac ayaan ku dhawaaqaynaa natiijada, marka meel walba ay soo gudbiyaan natiijada, annaguna waan sii sheegaynaa, sida ay wax u dhaceen.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa ku waramaya in natiijada kama dameysta ah ay shaacin doonaan 3-da bisha January, muddada ka horreysana uu Guddiga Xallinta Khilaafaadka uu ka shaqayn doono in la caawiyo ururkii cabasho ka keena goobaha codbixinta qaarkood.

Inta badan Ururada Siyaasadda ayaa waxay qaadaceen ka qaybgalka doorashadan, ka dib markii ay dhalleeceeyeen hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka.

Waa doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ah ee 57 sano ka dib laga qabto Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc