Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo qarameysay ciidamo uu fadhigoodu yahay Buurhakaba

Dowladda Federaalka oo qarameysay ciidamo uu fadhigoodu yahay Buurhakaba

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa qarameysay ciidamadan oo muddo dheer uu fadhigoodu ahaa Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ka dib markii Hay’adda Nabad Sugidda ay diiwaangelisay.

Taliyaha cusub Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) oo Jimcihii gaaray Degmada Buurhakaba ayaa gelinkii dambe ee Axaddii shalay ciidamadaasi u qaybiyay dareyska militariga iyo weliba hub iyo rasaas.

Taliyaha oo la magacaabay habeenkii Khamiista ayaa si degdeg ah diyaarad helicopter ah ugu tegay degmadaasi, isagoona ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Magacaabiddiisa ayaa ku timid baahi amni, ka dib markii ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee saacado ka hor inta aan la magacaabin ay la wareegeen Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Qabsashada Qansaxdheere ayaa soo dedejisay qarameynta ciidamada dadka deegaanka ee ku sugan Buurhakaba, si ay ugu biiraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo in la dhameeyo khilaaf Taliye Sandheere kala dhexeeyay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo.

Sandheere oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay is bedelkii amni iyo siyaasadeed ee 30-kii bishii March ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa daba-yaaqadii bishii August isaga tegey magaaladaasi, waxayna isaga iyo ciidamadu uu horkacayay ay ku laabteen Buurhakaba, oo ah meesha ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada dadka deegaanka ee la abaabulay ka hujuumeen Baydhabo.

Sandheere ayaa hadda looga fadhiyaa in uu dardargeliyo hawlgalada Ciidanka Guutada 7aad, si ay ciidamadu u difaacaan Buurhakaba iyo degmada kale ee deriska yihiin ee Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc