Home Dhacdooyin Guriga Ilhaan Cumar oo baaritaan lagu sameeyay (SAWIRRO)

Guriga Ilhaan Cumar oo baaritaan lagu sameeyay (SAWIRRO)

by Laacib

Wakiilo ka socda Dowladda Federaalka ayaa Isniintan baaray hoyga Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorto Gobolka Minnesota.

Baaritaankan oo la xiriira qiyaano dhanka socdaalka ayay saraakiishu ku galeen hoyga Xildhibaan Ilhaan Cumar ee duleedka Magaalada Washington D.C.

Dhowr Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Baarista Amniga Gudaha ee HSI ayaa la sheegay inay baaritaan kedis ah ku sameeyeen hoyga Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Xisbiga Dimoqraadiga.

Saraakiil kale oo xirnaa jaakado ay ku qoran yihiin magaca HSI ayaa saakay lagu arkay bannaanka guriga Ilhaan Cumar.

Waaxda Caddaaladda oo qayb ka ahayd baaritaanka ayaa sheegtay in saraakiishu ay fuliyeen amar baaritaan oo maxkamad ay u fasaxday, isla-markaana uu hawlgalkan qayb ka yahay baaritaan socda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ilo aan la magacaabin ka soo xigatay in baaritaanku uu ka dhashay qiyaano dembiyeed, oo lagu sameeyay waraaqaha socdaalka gabadha Soomaaliyeed oo uu buuxiyay aabaheed, yaraanteydii.

Tom Homan, oo ah masuulka Madaxweyne Donald Trump U Qaabilsan Arrimaha Xuduudaha ayaa bishii September sheegay in Ilhaan Cumar ay wajaheyso baaritaan dembiyeed oo socda, balse ma uusan sheegin nooca baaritaankaas.

Ilhaan Cumar ayaa muddooyinkanba wajaheysay dhalleecayn iyo cadaadis weyn oo kaga imaanayay Maamulka Madaxweyne Trump, iyadoo billihii la soo dhaafay si gaar ah diiradda loogu hayay xogta ku saabsan arrimaheeda maaliyadeed.

Trump ayaa sii xoojiyay weerarada afka ee uu ku hayo Xildhibaan Ilhaan Cumar, isaga oo si muuqata u muujiyay naceybka uu u qabo, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.

Trump ayaa marar badan fagaareyaasha ka sheegay in aanu jecleyn gabadhaasi, ayna tahay in ay dib ugu laabato Somaliya.

Ilhaan Cumar waa xubinta ugu caansan Soomaalida Mareykanka iyo qofkii ugu horreyay ee Soomaali ah ee loo doorto Congress-ka Mareykanka, isla-markaana gaara heerkan siyaasadeed oo kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc