Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegay in dhacdooyin yaryar ay la kulmeen, intii ay maanta doorashadu ka socotay Magaalada Muqdisho.
“Waxyaabaha yaabka leh ee aan aragnay waxaa ka mid ahayd in hooyo dhashay oo saddex maalmood keliya canugeeda jiro, iyadoo canugeeda haysata ay saf ku jirtay oo weliba ay ku faraxsaneyd inay codeyso.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in laba haween ay fool ku qabatay, iyagoo saf uga jira goobaha codbixinta ee Degmooyinka Wadjir iyo Warta Nabadda (Ex Wardhiigley).
“Waxaa safka codaynta ku foolatay haweeney laynka uga jirtay Degmada Wadajir, Laanta Tiintiinley. Sidoo kale waxaa iyana laynka ku foolatay haweeney kale oo ku sugneyd Degmada Warta Nabadda.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Taasi waxay ku tuseysaa baahida ay u qabaan shacbiga Soomaaliyeed inay aadaan goobaha codbixinta oo ay codeeyaan.”
Gudoomiyaha ayaa dadka reer Muqdisho ku amaanay inay dhageysteen baaqoodii ahaa inay soo baxaan oo codkooda ay dhiibtaan.
“Waxaa sharaf weyn inoo ah in dadka Soomaaliyeed baaqii aan u dirnay oo ahayd inay codkooda dhiibtaan in ay ajiibeen.” Ayuu yiri Gudoomiye Cabdikariin Axmed.
