Home Dhacdooyin Golaha Ammaanka oo fadhi ka yeeshay tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland

Golaha Ammaanka oo fadhi ka yeeshay tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay dood adag ka yeeshay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, tani oo Dowladda Somaliya ay si weyn uga hortimid, isla-markaana ay fadhi degdeg ah isugu yeertay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Afar ka mid ah shanta dal ee joogtada ah ee leh awoodda diidmada qaxayan ee kala ah Shiinaha, Ruushka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ka horyimid tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, ayna taageersan yihiin wadajirka dhuleed iyo qaranimada Somaliya, halka Mareykanka uu sheegay in aysan waxba iska bedelin mowqifkoodii midnimada Somaliya, balse Israel ay xaq u leedahay in ciddii doonto ay aqoonsan karto.

Somaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga Israel ee Somaliland uu yahay khatar ka dhan ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Warqad qoraal ah oo Isniintii loo diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayay Somaliya ku diiday tallaabadaasi, oo ay ku sheegtay mid xadgudub ku ah madaxbanaanideeda iyo qaranimadeeda, waxayna ku sifeysay anshax ahaan mid aan la difaaci karin.

Safiirka Somaliya u jooga Qaramada Midoobey, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo isna ka hadlay kulankii xalay ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Somaliya, isla-markaana sharci ahaan aysan xaq u lahayn in ay gasho heshiis ama in ay heli karto aqoonsi dowlad kale.

“Falkan gardarrada ah waxaa looga gol leeyahay in lagu kala qaybiyo Somaliya, waana in ay diidaan oo ay si cad u cambaareeyaan dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka.” Ayuu yiri Danjiraha Somaliya ee Qaramada Midoobey.

Safiirada Jabuuti, Turkiga iyo Pakistan ee Qaramada Midoobey ayaa si isku mid ah u sheegay in ficilka Israel uu si toos ah uga horimanayo xeerarka caalamiga ah iyo mabaadi’da sharciga.

Danjiraha Turkiga ee Qaramada Midoobey, Amb. Ahmet Yıldız ayaa sheegay in ficilka Israel uu qalqalgelinayo amniga Geeska Afrika, isla-markaana uu wiiqayo amniga Carabta iyo Afrika oo sida uu yiri isku xiran.

Kuxigeenka Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Brett Jonathan Miller ayaa difaacay aqoonsiga ay Israel Jimcihii u fidisay Somaliland, inkastoo dalal badan ay su’aal ka keeneen in tallaabadan looga dan leeyahay in dib u dejin loogu sameeyo Falastiiniyiinta Gaza iyo in Tel Aviv ay qorsheynayso saldhig ciidan oo ay ka sameysato Somaliland.

“Aqoonsiga ma ahan tallaabo cadowtinimo ah oo loo qaaday Somaliya, mana diidayo wada hadal mustaqbalka dhex mara dhinacyada. Aqoonsigu ma ahan fal diidmo ah ee waa fursad.” Ayuu yiri Brett Jonathan oo xusay in Israel iyo Somaliand ay leeyihiin taariikh dheer oo joogto ah.

Brett Jonathan ayaa tilmaamay in Israel ay ka mid tahay 35 dal oo si rasmi ah u aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland, ka dib markii buu yiri ay xornimada qaadatay, wuxuuna intaasi ku daray in Dowladdii Somaliya ee burburtay ay xasuuq u gaysatay dadka rayidka ah ee reer Somaliland, daba-yaaqadii 80-meeyadii.

“Aqoonsiga Israel ee Somaliland maaha mid daandaansi ama sheeko cusub. Waa qirasho sharci ah oo mabda’ ku dhisan, oo ah xaqiiqo jirta oo dheer, isla-markaana waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo la jaanqaadeysa qiyamka golahan loogu talagalay inuu ilaaliyo.” Ayuu yiri Brett Jonathan.

Kuxigeenka Safiirka Ingiriiska ee Qaramada Midoobey, James Kariuki ayaa dhankiisa sheegay in London ay taageersan tahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya, isagoona ku booriyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland in ay wax ka qabtaan khilaafka muddada dheer soo jiray, isla-markaana ay ka wada shaqeeyaan, sidii loo wajihi lahaa khataraha guud.

“Boqortooyada Midowday ee UK ma aqoonsana madaxbannaanida Somaliland. Waxaan ilaalinaynaa in is bedel kasta oo ku yimaada maqaamka Somaliland uu ku xiran yahay heshiis dhex mara Muqdisho iyo Hargeysa, iyadoo loo marayo wada hadal, waana in la waafajiyaa ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobey, waxaana ka xunahay fal kasta oo khatar gelinaya nabadda iyo ammaanka gobolka.” Ayuu yiri James Kariuki.

Kariuki ayaa yiri “Waxaan ku boorinaynaa in Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamulka Somaliland ay dadaal dheeri ah u galaan, sidii wax looga qaban lahaa khilaafaadka iyo in laga wada shaqeeyo, sidii looga hortagi lahaa khataraha guud. Al Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ayaa ka faa’iideysta kala qaybsanaanta gudaha Somaliya. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Muqdisho iyo Hargeysa inay sii wadaan wada hadal, iyagoo taageero ka helaya hay’adaha gobolka iyo Beesha Caalamka, si loo xaliyo kala qaybsanaantaas.”

Tammy Bruce oo ah Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in Israel ay xaq u leedahay in ay abuurto xiriir diblomaasiyadeed, sida dal kasta oo madaxbannaanba uu xaqa ugu leeyahay.

“Israel waxay xaq u leedahay inay sameyso xiriir diblomaasiyadeed, sida dal kasta oo kale oo madaxbannaan. Horraantii sanadkan dalal dhowr ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golahan ayaa qaatay go’aan hal dhinac ah oo ay ku aqoonsadeen Dowlad Falastiini ah oo aan jirin, illaa iyo haddana ma jiro shir degdeg ah oo lagu muujinayo carrada golahan.” Ayay tiri Tammy Bruce oo muujisay inuusan jirin wax is bedel ah oo ku yimid siyaasaddii Mareykanka ee Somaliya.

Aqoonsiga Israel ay Somaliland ugu aqoonsatay dal madaxbannaan ayaa soo jiitay indhaha dunida, wuxuuna xiisad diblomaasiyadeed ka abuuray Gobolka Geeska Afrika.

Somailand ayaa 34 sano raadineysay aqoonsi caalami ah, iyadoo Israel ay noqoneyso dalkii ugu horreyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobey, isla-markaana si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsada dal ka madaxbannaan Somaliya.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqday in ay dib gooni isu taageeda uga la soo laabatay Somaliya, ka dib dagaal sokeeye oo dad fara-badan ay ku dhinteen.

Madaxda Somaliya ayaa lagu dhalleeceeyaa inaysan waxba ka qaban tabashada ay qabaan dadka reer Somaliland, taasoo keentay in jiilal dhan ay ku koraan naceyb ay u qabaan Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc