Ciidamadan oo ku biiraya Guutaa 20aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa maanta tababar loogu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa tababarka u soo xiray ciidamadan.
Wasiir Fiqi oo ka hadlay munaasabadda ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay door weyn ka qaataan hawlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixsada.
Fiqi ayaa sidoo kale ciidamada faray inay si dhab ah u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta qaranimada iyo midnimada dalka, isla-markaana ay mar kasta diyaar u ahaadaan la dagaalanka cadowga gudaha iyo kan dibadda.
Gorgor waa ciidan gaar ah oo habeysan, isla-markaana u tababaran la dagaalanka Al Shabaab, waxaana sidoo kale loo diyaariyay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa war ay ku daabacday barteeda Facebook ku sheegtay in Turkiga uu sii wadi doono taageeradiisa ku aaddan madaxbannaanida Somaliya, wadajirka dhuleed iyo la dagaalanka argagixisada.
Turkiga waa dalka koowaad ee Somaliya ka taageera dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo ciidamada ku tababara Xerada TURKSOM, oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkigu uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.
