Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka horyimid go’aanka ay Dowladda Federaalka ku jartay heshiisyadii dhinacyada kala duwan lahaa ee lagu la jiray Dowladda Emirate-ka Carabta.
Golaha Wasiirada Somaliya ayaa Isniintii buriyay dhammaan heshiisyadii lala galay Emirate-ka Carabta, oo ay ku jiraan kuwii ay la galeen Dowlad Goboleedyada qaarkood.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo kan Dowladda Federaalka (2012) qodobkiisa 142aad ay iyadu leedahay masuuliyadda ilaalinta, laalista iyo wax ka bedelka heshiisyada horumarineed iyo amni ee ay kula jirto shirkadaha iyo dowladaha ay saaxiibada yihiin ee ka hawlgala gudaha Puntland, kuwaas oo ay sheegtay inay gacan ka siiyaan la dagaalanka maleeshiyada Daacish, Al Shabaab iyo burcad badeedda.
“Sidaasi daraadeed warka maantay ka soo yeertay Golaha Xukuumadda Dowladda Federaalka Somaliya ee la sheegay in lagu laalay heshiisyada mashruuca horumarinta Dekedda Boosaaso iyo kuwa iskaashiga amni ee u dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waa waxba kama jiraan.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhankeeda sheegtay in iyadoo tixraaceysa qodobka 87aad ee Dastuurka Jubbaland ay awood u leedahay inay geli karto heshiisyada iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo bixinta ruqsadaha lagu horumarinayo kaabeyaasha rayidka oo ay ka mid tahay Dekedda Kismaayo, isla-markaana ay waxba kama jiraan ka soo qaadeyso go’aanka Dowladda Federaalka.
Jubbaland ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in go’aankan uu sidoo kale ka horimaanayo qodobka 53aad ee dastuurkii baa warsaxaafadeedka lagu yiri heshiiska lagu ahaa farqadahiisa 1aad, 2aad iyo 3aad oo ka hadlaya heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta ku yeelanaya Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
“Dhammaan heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha kala duwan ee Dowladda Jubbaland uu xaqa u siinayo dastuurkeeda iyo kan Dowladda Federaalka, way sii jiri doonaan. Jubbaland keliya ayaa xaq u leh wax ka bedelkooda ama baabi’intooda.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo goor dambe oo xalay ahayd lagu shaaciyay bogga wararka ee Madaxtooyada Jubbaland.