Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa juhdi badani ku bixisay, sidii ciidamadeeda ay dib ugu la wareegi lahaayeen gacan ku haynta Jasiiradda Kudhaa oo hoostagta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Arbacadii weerar ballaaran kula wareegtay Kudhaa oo ku taala meel istiraatiiji ah, isla-markaana aan sidaasi uga fogeyn xadka ay Somaliya la leedahay Kenya.
Ka dib qabsashadii Al Shabaab ee Kudhaa, ciidan xoog leh oo isugu jira Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo gurmad ahaan uga yimid dhinaca Magaalada Kismaayo ayaa xoojiyay ciidankii horey ugu sugnaa Kudhaa ee dibadda uga baxay, kuwaas oo xiray waddooyinkii ay maleeshiyada uga bixi lahayd deegaankaasi.
Gurmadka ciidamada oo doomo ku tegay deegaankaasi iyo kuwii kale oo wada hawlgalaya ayaa Khamiistii weerar rogaal celin ah ku qaaday Shabaabkii soo galay Kudhaa, iyadoo ay xagga cirka ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Danab ayaa shalay si buuxda dib ugu qabsaday Kudhaa, ka dib saacado ay go’doomin ku hayeen maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana uu xigay dagaal toos ah oo ciidamadu ay gudaha ugu galeen deegaankaasi.
Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ciidamadu ay soo afjareen kooxihii argagixisada ee soo weeraray Kudhaa.
Barraha bulshada ayaa lagu arkay muuqaalo muujinaya ciidamada oo haysta Kudhaa, meydadka qaar ka mid ah maleeshiyada iyo gaadiid dagaal oo Shabaabkii soo duulay ay wateen oo la burburiyay.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay Shabaabka ka dhigeen, wax la dilo, wax dhaawac ah iyo in kaloo ka firxatay goobta. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay qabteen maxaabiis ah, inkastoo aysan jirin cid xaqiijin karta tiradooda dhabta ah.
Lama oga, sida Shabaabka ay ugu suurtagashay in ay firxad ahaan uga cararaan Kudhaa, marka aad eegto in ciidamadu ay si weyn uga soo horjeedeen in ay siiyaan marin ay uga baxaan deegaanka.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa bogaadiyay hawlgalka ay ciidamadu kaga hortaggeen is fiditaanka Al Shabaab.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in hawlgalka lagu dilay 59 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, 42 laga dhaawacay iyo 10 gaadiidka dagaalka oo laga gubay.
“Casharka adag ee ciidamadeenna halyeeyada ahi u dhigeen cadowga, wuxuu caddayn u yahay adkeysiga, dulqaadka iyo go’aanka adag ee ciidankeennu ay u leeyihiin difaaca shacabka iyo sugidda amniga guud ee deegaanada Jubbaland.” Ayuu Axmed Madoobe ku sheegay warsaxaafadeedka.
Shabaabka ayaa qorsheynayay in ay muddo dheer sii haystaan Kudhaa, laakiin cadaadiska ciidamada ee dhulka iyo hawlgalka hawada ayaa ka hor istaagay in ay ku nagaadaan deegaankaasi.
Shabaab oo sii haysta Kudhaa ayaa waxay niyad jebin lahayd ciidamada dadaalka ugu jira, sidii 18 sano ka dib ay Al Shabaab uga saari lahaayeen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dib u qabsashada Jubbaland ee Kudhaa ayaa kor u qaadeysa mooralka ciidamada, waxayna keeneysaa in hadda ka dib aan Shabaab looga tanaasulin dhul ay qabsadeen iyo in ciidamadu ay qaadaan hawlgalo ay ku xoreynayaan dhulka maqan.
Ciidanka Jubbaland ayaa bishii October ee sanadkii 2024 la wareegay Kudhaa, ka dib markii Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ay ka guureen saldhig weyn oo ay ku lahaayeen. Ciidamada Kenya ayaa in ka badan 10 sano deganaa saldhiggaasi.