Home Wararka Maanta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo baaq u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo baaq u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Laacib

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland ayaa aqbalay inay ka qaybgalaan gogosha wadatashiga qaran ee Dowladda Federaalka ay dhigtay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalena goluhu uu baaq u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkasta oo Golaha Mustaqbalka ay saluug ka muujiyeen dib u dhaca ka jira dhinaca Dowladda Federaalka, marka aad eegto in shirka ay ku baaqeen in lagu qabto muddo bil gudaheed ah iyo in uu geba-gabo ku dhow yahay muddo xileedka sharciga ah ee Hay’adaha Dowladda Federaalka, haddana golaha ayaa sheegay in ay go’aansadeen in laga qaybgalo shirka 1-da bisha February ka furmaya Muqdisho.

“Shirweynihii ka dhacay Magaalada Muqdisho 18-20 December 2025, wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20-ka January 2026 uu isugu yeero shir looga arrinsanayo, sidii ay dalka iga dhici lahayd doorasho heshiis lagu yahay ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Somaliya. Waxaa bedelkeeda warqad ka soo baxday Xukuumadda Federaalka Somaliya 19-kii January 2026 lagu baahiyay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu ka soo qaybgalo gogol wada hadal oo ka dhaceysa Magaalada Muqdisho 1-da February 2026.” Ayaa lagu yiri war uu goluhu maanta soo saaray. Warka ayaa intaasi ku daray “Xaaladaha adag ee dalka Somaliya uu wajahayo, sida midnimada dhuleed ee qaranka, weerarada sii kordhaya ee argagixisada, abaaraha dalka guud ahaantiisa ka jira, xaaladda dhaqaale xumo iyo khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee hareeyay dowlad dhiska dalka, waxay ku soo beegmayaan xilli ay saddex bilood oo keliya ah ka harsan tahay muddo xileedkii sharciga ahaa ee Hay’adaha Dowaldda Federaalka.”

Warka ayaa waxa kaloo lagu yiri “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu u arkaa in dalka Soomaaliyeed uu marayo marxalad xasaasi ah oo ay halis ku jirto dowladnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo ay khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee hadda jira ay sii wiiqi karaan midnimada dhuleed iyo midda bulsho, ayna fursad u noqoneyso in kooxaha argagixasada Al Shabaab, Daacish iyo ciddii kale ee dano guracan ka leh Somaliya ay ku waxyeelayn karaan amniga iyo jiritaanka dowladnimada curdanka ah ee dalka. Haddaba, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asaga oo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla, wuxuu wadatashi dheer ka dib go’aansaday in goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortago firaaq dastuuri ah, loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka.”

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu qaado tallaabooyin u gogol xaaraya in shirka uu ku dhaco jewi leh kalsooni iyo niyadsami, wada hadaladuna ay noqdaan kuwo mira dhal ah iyo inuu joojiyo wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka KMG iyo in ajandayaasha looga hadlayo shirka ay noqdaan kuwo mudnaanta koowaad u leh xaaladda hadda ka jirta dalka, sida amniga, la dagaalanka Al Shabaab iyo Daacish.

Golaha oo laga sugayay inay soo magacaabaan cidda dhankooda ugu xil saaran qaban-qaabada shirka, si la isu la sii lafa guro ajandayaasha shirka ayaa sheegay in Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka oo uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) uu golahooda ugu xil saaran yahay wixii diyaargarow farsamo ah.

Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, oo ah garabka ugu saamaynta badan ee ka soo horjeeda Villa Somalia ayaa cadaadis kala kulmaya Beesha Caalamka, si dalka sanadkan looga qabto doorasho loo dhan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc