Home Wararka Maanta Dagaalkii deegaanka Jabad Godane oo loo raray dhinaca Xawaadley

Dagaalkii deegaanka Jabad Godane oo loo raray dhinaca Xawaadley

by Laacib

Xiisad ayaa laga soo sheegaya inay ka jirto deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib dagaalkii faraha looga gubtay ee Isniintii ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Jabad Godane, kaas oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Warsheekh iyo Xawaadley, isla-markaana Shabaabkii laga soo saaray Jabad Godane ay intooda badan gaareen deegaankaasi Xawaadley.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo Danab ee Militariga Somaliya ay ku sugan yihiin duleedka Xawaadley, taasoo xiisad ka hurisay gudaha deegaanka.

Ma cadda in ciidamadu ay ku wajahan yihiin Xawaadley iyo in kale, laakiin imanshahooda duleedkeeda ayaa cabsi ka abuurtay deegaankaasi, iyadoo dadka ku dhaqan ay walaac ka muujinayaan in lagu dul dagaalamo.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in ay cabsida ugu weyn ka qabaan inay waxyeelo ka soo gaarto duqaymaha laga yaabo inay diyaaradaha dagaalka ka gaystaan deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in shalay galab illaa xalay guuxa diyaaradaha dagaalka laga maqlayay Xawaadley iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

Haddii ciidamadu ay dagaal ku galaan Xawaadley ayaa waxay noqon doontaa mid ay culeyska kaga fogeynayaan Jabad Godane, si aysan Shabaabku ugu suurtagelin inay dhinaca Degmada Warsheekh ka jaraan waddada xeebta ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa waxaa suurtagal ah in ay si weyn ugu dagaalamaan Xawaadley, marka aad eegto in ay ku taalo meel istiraatiiji ah.

Deegaankan ayaa leh buundo dulmarta Webiga Shabelle oo qayb ahaana isku xirto Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa bishii June si fudud ula wareegtay deegaankan, markaas oo ay si lama filaan ahayd ay uga baxeen Ciidanka Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Somaliya, ka dib sanado badan oo ciidamadu ay deegaankaasi deganaayeen.

Qorshaha aan laga fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara ee ay ciidamadu toddobo bilood ka hor uga soo baxeen Xawaadley ayaa ah sababta ka dambeysa in Shabaabku ay halis geliyaan waddada xeebta ee xiriirisa Muqdisho iyo Gobolada Dhexe.

Militariga ayaa sinnaba uga tanaasuli karin waddadan, maadaama ay tahay tan ugu muhiimsan ee saadka iyo gurmadkaba uu u maro ciidamada ka hawlgala deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc