Laamaha amniga ayaa ciidamo boolis ah geeyay Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo la qorsheeyay in fadhi wadajir ah ay maanta ku yeeshaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Shir Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo ciidamo boolis ah ay ku dhafan yihiin ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeisa oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa tan iyo 28-kii bishii January ka taagan buuq ka dhashay ajande ay Dowladda Federaalka riixeyso, laguna doonayo in lagu ansixiyo wax bedel ay tahay in lagu sameeyo shan ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG ah uu ka kooban yahay.
Arrintan ayaa waxaa si weyn uga horyimid Xildhibaanada qaar ee taageersan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi siyaasadeed oo ay leeyihiin Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta.
Xildhibaanadan ayaa wacad ku maray inaysan ogolaan doonin qorshaha Villa Somalia ee ku saabsan in wax bedelka lagu sameeyo cutubyada kala ah 5, 6, 7, 8 iyo 9aad ee Dastuurka Qabyo Qoraalka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa mar sii horreysay soo saaray go’aan fadhiyada guud ee Labada Aqal iyo kan Golaha Shacabkaba looga joojinayo Xildhibaanada diidan in dib-u-eegista lagu sameeyo shanta cutub ee miiska saaran, inkastoo wax ka dhaqangalay go’aankaasi aanu jirin, oo Xildhibaanada la safan mucaaradka ayaa awooday inay ka soo gudbaan dhammaan barraha amniga ee ciidamada.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa laga yaabaa inay dalbadaan in xoog loo adeegsado Xildhibaanada ay u arkaan inay carqaladeynayaan in jewi degan ay fadhiyada ku qabsoomaan, taasoo sii hurin doonta xiisadda siyaasadeed ee in muddo ahba ka jirtay dalka.
Xildhibaanadan ayaa diidmadooda wax ka bedelka Dastuurka Ku-meel-gaarka ku saleynaya in la joogo xilligii fasaxa ee Xildhibaanada, in uu geba-gabo ku dhow yahay waqtigii sharci ahaa ee Baarlamaanka iyo in aan la dhameystiri karin Dastuurka Qaranka, muddo kororsi la’aan.
Ugu yaraan laba bilood ayay qaadan doontaa, si loo hubiyo in la meelmariyo shanta cutub ee la doonayo in wax ka bedelka lagu sameeyo, marka aad eegto in doodaha ay Xildhibaanadu ka yeelanayaan ay jiitami doonaan, waaba haddii meesha laga saaro kala qaybsanaanta Xildhibaanada.
Lama oga, sida Villa Somalia ay ku maarayn doonto caqabadda hortaagan, waana xilli Beesha Caalamka ay ku cadaadineyso in ay ogolaato in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, si dalka looga qabto doorasho heshiis lagu yahay oo loo dhan yahay.