Waxa uu buuq iyo fowdo uu ku soo dhammaaday fadhigii saddexaad oo wadajir ah, oo maanta ay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.
Dalka ayaa galay xiisad siyaasadeed oo hor leh, ka dib markii 28-kii bishii January Xildhibaanada Labada Aqal la horgeeyay soo jeedin la xiriirta in wax ka bedel lagu sameeyo shan cutub oo Dastuurka KMG ah, si ka dibna loo ansixiyo cutubyadaas oo kala ah 5,6,7,8 iyo 9aad ee Dastuurka Dowladda Federaalka.
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa iska indha tiray buuqii hareeyay kulanka, isagoona Xoghayaha Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka, Senator Siciid Cabdi Xuseen (Cawke) u ogolaaday in uu goobta ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayay heerar kala duwan oo wadatashiyo ah oo wax bedelka dastuurka ay ka talageliyeen bulshada.
Senator Cawke ayaa Xildhibaaada Labada Aqal ku booriyay inay masuuliyaddooda ka gutaan waajibaadka ka saaran dhameystirka Dastuurka Qaranka.
War lagu daabacay bogga wararka ee Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Mudaneyaasha Baarlamaanka ay ka doodeen wax ka bedel kooban oo lagu sameeyay qodobada 49aad, 50aad iyo 54aad ee cutubka 4aad ee Dastuurka Qabyo Qoraalka. Ma cadda sababta haatan ajandaha loogu soo daray cutubka 4aad, maadaama ay Xildhibaanadu wax ka bedelkiisu dhameytireen 30-kii bishii March ee sanadkii 2024, isla-markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay 31-kii March ee sanadkaasi wax ka bedel dhameystiran oo xilligaasi lagu sameeyay cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, iyadoo ay si weyn uga biyo diidanaayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo kulankii Sabtidan soo xiray, iyadoo uu buuq badani hareeyay ayaa sheegay in dooddu ay sii socon doonto, isla-markaana la sii ambaqaadi doono kulanka xiga.
Mucaaradka ayaa tallaabooyinka ay Villa Somalia u qaadeyso dhameystirka Dastuurka Ku-meel-gaarka u arka mid ay ku wiiqeyso heshiiska looga fadhiyo in ay ka gaaraan khilaafka muddada dheer ka taagan doorashooyinka dalka.
