Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii uu buuq iyo fowdo uu ku soo dhammaaday kulankii saddexaad oo wadajir ah oo maanta ay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Senator Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in nasiib darrada haysata Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay tahay inuu burburinayo, isla-markaana uu ku takri-falayo dastuurkii isaga lagu soo doortay.
“Xasan nasiib darradiisu waxaa weeye in wixii keenay isaga uu burburiyo oo uu ku takri-falo, waxayna kala direysaa ummadda. Marka dadka Soomaalida waxaan ku leenahay Xasan ha la iska qabto, annagoo Ilaaheenna cuskanayna oo ummadda u kala eexaneyn.” Ayuu yiri Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.
Isagoo Warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu yiri “Waxa maanta Baarlamaanka ka socday ee dhex tegay aan arkay, wixii qaranka dumiyay waaye. Haddii la lahaa Maxamed Siyaad Barre ayaa qaran dumiyay, ka daroo dibi dhal waaye.”
Cabdi Ismaaciil ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan ogolaanin siyaasiyiinta uu sheegay inay dadka kala qaybinayaan.
“Siyaasiyiintan dadka kala xaafadeynaya, ha ogolaanina Soomaaliyeey. Haddaan sidaas isku raacno, waan ka guuleysanaynaa, haddii laakiin kuwaasi aynu ku dayno meesha, waxaa weeye Ilaahay ha inoo naxariisto.” Ayuu yiri Senator Samatar.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa riixeysa qorshe ay wax bedel loogu sameynayo cutubyada 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad ee Dastuurka KMG, xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ee dowladda, isla-markaana aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka dalka.