Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa soo yareynaya masaafada ay u jiraan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, taas oo gacan ku haynteeda ay lumiyeen 27-kii bishii July.
Ciidamada oo sii xoojinaya dhaqdhaqaaqyadooda bariga gobolkaasi ayaa isku fidinaya deegaanada hoostaga Degmada Maxaas.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay haatan illaa iyo laba jiho kaga sii siqayaan degmadaasi, isla-markaana ay ka kulaalayaan jihooyinka Coomaad iyo Teedaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada Al Shabaab ay dib u gurasho ka sameysay deegaanada Xasan Raqay iyo Sulmo, waxaana la filayaa in ciidamadu ay saacadaha soo socda isku fidin doonaan.
Ciidamada ayaa waddada iyo deegaanada u dhaxeeya Matabaan iyo Maxaas ka wada hawlgal ballaaran oo sifayn ah.
Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ayaa laga yaabaa in hawlgalkooda uu wa-xoogaa gaabis ah ku yimaado, marka ay kaabiga u fuulaan deegaanka Goobo oo 15km dhanka waqooyi uga beegan Maxaas, halkaas oo Shabaabku ay ku leeyihiin difaacooda ugu weyn ee ay ka difaacayaan degmadaasi.
Goobo ayaa noqon karta xudunta dagaalka, haddii aysan Shabaabka isaga bixin deegaankaasi, oo bilaa dagaal ay kula wareegeen 4-tii bishii August, waana toddobaad ka dib weerarkii xooganaa ee ay ku qabsadeen Maxaas.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hawlgalkan ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan Qaybaha 27aad iyo 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi ayaa goor sii horreysay sheegay in ciidamadu ay muujiyeen in cadowga awooddiisa ay sii wiiqmeyso maalinba maalinta ka dambeysa, sida uu yiri.
Wasiir Fiqi ayaa ku hanjabay in kooxaha argagixisada aysan heli doonin wax gabaad ah.