General Cabdullaahi Cali Caanood oo muddo dheer ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhawaan shaqada ku soo laabtay, ka dib markii uu u yeeray Taliyaha Militariga Somaliya, General Ibraahim Maxamed Maxamuud.
General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Arbacadii ka soo muuqday kulan uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiisha Hoggaanka Hawlgelinta qaarkood.
Warbaahinta ayaa fahamsan in kulankan uu yahay kiisii ugu heerka sarreyay ee General Cabdullaahi Cali Caanood uu ka soo muuqdo, tan iyo bartamihii sanadkii 2024.
General Caanood oo markii ugu dambeysay ahaa Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa xilkaasi laga qaaday 8-dii bishii May ee sanadkii 2024, markaas oo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu ku soo bedelay Abuukar Macalin Maxamuud, kaasoo illaa iyo hadda ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga.
Ma cadda in Taliyaha Militariga Somaliya uu qorsheynayo in uu jego cusub u soo magacaabo General Caanood, ha yeeshee waxaa la ogyahay in Taliyuhu uu sarkaalkaasi ku ixtiraamo shaqadii uu qaranka u soo qabtay, isla-markaana uu la socdo in uu khibrad badan u leeyahay dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab, uuna ka mid yahay saraakiishii ugu horreysay ee militariga ee hoggaaminayay dagaaladii adkaa ee maleeshiyada Al Shabaab lagu la galay Gobolada Banaadir, Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, intii u dhaxeysay sanadihii 2010 illaa 2012.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in jananka xukuma Militariga Somaliya uu General Caanood u arko mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku wanaagsan qorista dhallinyarada loo qaadanayo in ay ku biiraan Ciidamada Qalabka Sida.
General Caanood ayaa ka soo hoos shaqeeyay janaraadii soo maamulay Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalada ugu adag la galay Al Shabaab, kuwaas oo laga xusi karo General Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon), General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), General Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde).
General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa lagu tilmaamaa nin ay Soomaalinimada iyo dal jaceylku uu ku weyn yahay.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan macno la’aan shaqada ugu soo celin General Caanood, waxaase loo maleynaya in uu doonayo in khibraddiisa ciidan looga faa’iideeyo qaranka, maadaama uu weli dalku ku jiro dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xoojinta dowladnimada.
Tani ayaa imaneysa, xilli xiisadda siyaasadeed ee dalka ay meel adag mareyso, isla-markaana ay Dowladda Federaalka qorsheynayso inay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod.