Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Qaybyo tirka lagu sameeyay Dastuurka Qaranka + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Qaybyo tirka lagu sameeyay Dastuurka Qaranka + SAWIRRO

by Laacib

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta si wadajir ah u ansixiyay wax ka bedelka iyo dhameystirka ee Dastuurka Qaranka, ka dib kulan ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoominayay fadhiga wadajirka ah ee Labada Aqal ayaa sheegay in ay kulanka soo xaadireen 222 Xildhibaan, kuwaas oo 37 ka mid ah ay ahaayeen Senatorada Aqalka Sare oo midkood uu Online-ka kaga soo codeeyay.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanada Labada Gole ay si gaar gaar ah u codeeyeen, isla-markaana ay cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, iyadoo aanay jirin cid diiday amaba ka aamustay, sida uu yiri.

“Sidaas ayuu Dastuurkii Soomaaliyeed ansax ku yahay, Xildhibaanadana taariikh sharaf leh ayay qaateen. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.” Ayuu yiri Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray.

Burhaan Aadan Cumar, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka ayaa sheegay in Dastuurka Dowladda Federaalka uu yeelan doono dhaqangal joogta ah, ka dib marka ay soo dhamaadaan habraacyada kale ee harsan oo uu ku jiro saxiixa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uusan daahin doonin saxiixa nuqulka rasmiga ah ee cutubyada Dastuurka Dowladda Federaalka, oo haatan ka soo gudbay Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisuba waxay dhameystirka dastuurka u arkaan in uu dalku yeelanayo dastuur dhameystiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan wax dheg jalaq ahi u siinin eedeymaha muddooyinkanba uga imanayay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland ee ku eedeynaya in uu wado dastuur hal dhinac ah, isla-markaana aanu jirin hehiis qaran oo loo dhan yahay.

Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa 28-kii bishii January la horgeeyay ajande ay Dowladda Federaalka riixeysay, kuna saabsanaa in wax ka bedel iyo ansixin lagu sameeyo Dastuurka KMG, tani oo buuq xoog leh ka dhalisay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, ka dib markii Xildhibaanadu ay ku kala qaybsadaan ajandaha ay Villa Somalia ku codsatay in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada dastuurka ee u baahan in dib u eegista iyo wax bedelka lagu sameeyo, ka dibna ay ansixiyaan.

Xildhibaanada ka horyimid ayaa ku dooday in aan la aqbali karin xilliga lagu soo beegay, oo ah xilligii ay fasaxa geli lahaayeen Xildhibaanada, isla-markaana uu geba-gabo marayo muddo xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga. Xildhibaanadan ayaa wacad ku maray inaysan ogolaan doonin qorshaha Villa Somalia, waxayna buuq iyo fowdo ka sameeyeen fadhiyadii wadajirka ee ay yeelanayeen Xildhibaanada.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa 1-dii iyo 8-dii bishii February soo saaray go’aamo tobanaan Xildhibaano looga mamnuucayo kulamada Xildhibaanada, ka dib markii lagu eedeeyay in ay caqabad ku yihiin qabsoomida fadhiyada guud ee Xildhibaanada Labada Aqal. Xildhibaanadan ayaa laga joojiyay ka qaybgalka min 12 kulan, oo ah fadhiyada wadajirka ah ee Labada Gole iyo kulamada kale ee Golaha Shacabka.

Ku dhawaad 50 Mudane oo isugu jira Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa isla 8-dii February qaadacay fadhiyada Labada Aqal.

Aqlabiyadda Xildhibaanada taageersan siyaasadda Villa Somalia ayaa dedejiyay doodaha qodobada ay ahayd in turxaan bixinta lagu sameeyo ee ku jira cutubyadadii dastuurka ee horyiilay, waxayna 20 cisho gudahood ay ku soo afmeereen doodahooda oo wax bedel loogu sameeyay illaa sagaal cutub.

Sagaalka cutub waa wax aad u badan, suurtagalna ma ahan in 20 maalmood lagu maareeyo wax ka bedelkooda, marka laga qiyaas qaato in doodaha noocani oo kale ah ay caadiyan qaataan ugu yaraan muddo afar bilood ah. Bilowgii waxaa miiska saarnaa shan cutub oo keliya, inkastoo dib lagaga soo daray afarta cutub ee kale.

Kulankii maanta ee lagu ansixiyay wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka Qaranka ayaa muhiim u ah qorshaha siyaasadeed ee Villa Somalia ay dalka ugu jiheynayso doorashada qof iyo cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay riyadiisa ugu weyn ay ahayd in la qabyo tiro dastuurka oo muddo dheer ahaa mid ku-meel-gaar ah, si dowladdiisu ay doorasho Baarlamaani ah dalka uga qabato, markii ugu horreysay in ka badan 50 sano.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc