Waxay u muuqataa inuu sii dheereynayo hawlgalka ay Maxkamadda Militariga amarka ku bixisay in lagu soo qabto lixda nin ee dilka ku xukuman ee ka soo jeeda deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xukunsaneyaasha oo maxkamaddu ay ku heshay in ay dad rayid ah u dileen aano qabiil ayay dil toogasho ku xukuntay 22-kii bishii November, iyadoona soo saartay waaran nolol ama geeri lagu keeni karo lixdaasi nin.
Raggan oo qayb ka ahaa maleeshiyadii isbaarada u tiilay Yaaq-bariweyne, balse ay ciidamadu qaadeen 23-kii November ayaa lagu kala magacaabaa Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey).
Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka iyo Booliska Saldhigga Degmada Wanlaweyn ayaa si gaar ah loogu xil saaray in ay gacanta ku soo dhigaan raggaasi, isla-markaana ay isbaarooyinka ka sifeeyaan waddada laamiga ee isku xirto Wanlaweyn, Yaaq-bariweyne illaa Leego.
Taliyaha Guutada 7aad, Korneyl Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo madax u ah ciidamadan ayaan weli xaqiijin hadafkooda.
Ragga baxsadka ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin tuulooyinka ku teedsan deegaanka Yaaq-bariweyne, iyagoo gabaad ka helaya maleeshiyada deegaanka ku xoogan.
Ciidamada oo dhowr goor hawlgalo ka fuliyay nawaaxiga Yaaq-bariweyne ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan xukunsaneyaashu, sababtu tahay maleeshiyaadka aadka u hubeysan ee isaga kala yimid dhulka ka durugsan Yaaq-bariweyne, si looga hortago in xubnaha la doon-doonayo gacanta lagu dhigo.
Taliye Axmed Gaashaan iyo ciidamadu uu hoggaamiyaba cilaaqaad wanaagsan lama lahan odayaasha deegaanka, xukunka raggaasi la xukumayna waxay beeshu u aragtaa mid aan caddaalad ahayn.
Wada shaqayn la’aanta ciidamada ee gudaha dadka reer Yaaq-bariweyne, taasi waxaa loo arkaa inay tahay dhibaatadooda ugu weyn.
Lama filayo in goorahan gacanta lagu soo dhigi doono xukunsaneyaasha baxsadka waqtigooda ku qaadanaya, marka aad eegto khilaafka soo kordhay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo iyadoo muddo xileedka sharciga ah ee Hay’adaha Dowladda Federaalka uu sii dhamaanayo.