Home Wararka Caalamka Ciidamada Iran oo wiiqaya hannaanka difaaca hawada ee Israel

Ciidamada Iran oo wiiqaya hannaanka difaaca hawada ee Israel

by Laacib

Ciidamada Iran ayaa ku sii dhawaanaya in nidaamka difaaca hawada ee Israel ay ka dhigaan mid aan tayo lahayn, isla-markaana aan caabin karin duulaanka hawada ee ku socdo.

Nidaamka difaaca cirka ee Israel ayaa ku guuldareysanaya in laga hortago gantaalada ballaastikada iyo drones-ka ka imanaya dhinaca Iran. Hannaanka difaaca cirka ee Israel ayaad mooddaa in uu sii daciifayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Gantaalada Israel ee looga hortago duulaanka hawada oo dagaalka ka hor ahaa mid adag ayaa lagu sheegi jiray difaaca ugu weyn ee Israel amaba yaala Bariga Dhexe.

Israeliyiinta ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay caqabad ka haysato in marar qaarkood ay gantaalada Iran soo gaarayaan dhulka Israel, iyadoo aanu dhawaaqin seeriga ka sii diga in uu weerar dhici rabo.

Taliska Militariga Iran ayaa leh qorshe lagu burburinayo goobaha ay yaallaan gantaalada difaaca Israel ee ka hortaga gantaalada kale ee cadowga. Iran ayaa marar badan garaacday meelaha ay yaallaan gantaalada Israel ee wax lagu difaaco, taasoo ku tusineysa in Iran ay istiraatiijiyad ka leedahay, sidii meesha looga saari lahaa.

Kororka gantaalada ballaastikada ee Iran ayaa keenaya in Israel ay qarka u fuusho in ay noqoto dal aan difaaca hawada lahayn.

Shacabka Israel ayaa la sheegay in ay la yaaban yihiin, sida gantaalada Iran ay sida fudud uga baxsanayaan difaacooda hawada.

Ciidamada Iran ayaa la sheegay in mararka qaarkood ay si is xakamayn la’aan ah u garaacayaan bartilmaameedyada Israel, si looga aargoosto weerarada cadowga.

Wararka ayaa sheegaya in Iran ay ciidamadeeda maalmihii u dambeeyay ay burbur baahsan ka gaysanayeen Magaalada Tel Aviv, oo ah tan ugu weyn ee Israel.

Hannaanka difaaca hawada ee Israel ayaa Tel Aviv u ah il muhiim ah, kaas oo la’aantiis ay adag tahay in la sii wado weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada gudaha Iran.

Iran ayaa waxay wacad ku martay inaysan joojin doonin weerarada ay kaga falcelineyso duulaanka lagu hayo, illaa iyo inta meel ka mid ah dalkeeda la garaacayo.

Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo Israel ayaa duqaymo culus ka gaysanaya gudaha Iran, iyaga oo raadinaya guusha dagaalka, laakiin taasi ayaan ku filneyn in Iran laga adkaado, marka aad milicsato in aan inta badan la aqoon meelaha ay gantaalada ka soo rideyso.

Tehran ayaa waxaa la arki karaa in ay si weyn ugu diyaarsan tahay in ay ka jawaabto weerarada gardarrada ee ka dhanka ah dalkaasi Iran.

Shacabka Israel ayaa walaac ka muujinaya kororka weerarada Iran iyo muddada uu dagaalkan socon doono oo aan la garaneyn, waxaadna mooddaa in Iran ay firfircooni dheeraad ah ka qaadeyso weerarada lagu hayo, marka aad eegto in jawaabteeda aanay soo daah lahayn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc