Xoogaga Xisbullah ayaa galabta tiro gantaalo ahi ku weeraray Magaalada Nahariya (Nahariyya) ee Waqooyiga Israel.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in gantaalo laga soo tuuray Koonfur Lubnaan ay ku dhaceen Magaalada Nahariya, isla-markaana ay kooxaha samatabixinta ku baxeen goobta.
Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeray hawada magaalada iyo gaadiid nooca raaxada oo gubanaya.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in nin 30 jir ah la dilay, ka dib markii gantaal uu ku dhacay meel baabuurta la dhigto oo ku dhex yaala dhisme la degan yahay.
Adeegga MDA ayaa sidoo kale sheegay in 14 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka ay Xisbullah ka gaysatay Nahariya, oo uu ku jiro nin 50 jir ah oo dhaawac halis ah uu soo gaaray.
Xisbullaahida Lubnaan ayaa la sheegay in Khamiistan ay mowjado gantaalo ah ku garaacday Waqooyiga Israel.
Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa Khamiistan xaqiijiyay in askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Israel uu ku dhintay weerar saqdii dhexe ee xalay ay ciidamadu ku qaadeen meel ka mid ah Koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xoogaga Xisbullah.
Taliska ayaa bayaan ku sheegay in askariga lagu magacaabayay Ori Greenberg, isla-markaana uu ahaa 21 jir ka tirsan Guutada Golani, qaybteeda sahanka.
Waa askarigii saddexaad ee Ciidanka Difaaca Israel oo lagu dilo hawlgalka dhinaca dhulka ee Israel ay dib uga soo cusbooneysiisay Koonfurta Lubnaan.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Israel ay gudaha u geli doonto Koonfurta Lubnaan, isla-markaana ay qabsan doono illaa Webiga Litani.
Wasiirka ayaa sheegay in dhulkan ay ka samayn doonaan aag laga ilaaliyo ammaanka Israel iyaga oo si toos ah u qaadanaya, waana markii ugu horreysay oo si cad ay u qeexaan damacooda ay ku qaadanayaan dhul gaaraya ku dhawaad toban meelmood meel ee dhulka dalkaasi.
Dowladaha Canada iyo Faransiiska ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha Israel ay ku qabsaneyso qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, waxayna warsaxaafadeed wadajir ah ay kaga diggeen in lagu xadgudbo madaxbannaanida Lubnaan.
