Home Dhacdooyin Gabar aargoosi ahaan loogu dilay Magaalada Beledweyne

Gabar aargoosi ahaan loogu dilay Magaalada Beledweyne

by Laacib

Ciidanka Xasillinta ee Magaalada Beledweyne ayaa xalay toogasho ku dilay gabar dhallinyaro ahayd, ka dib markii qarax uu ka dhacay hoyga sarkaal ka tirsan Ciidanka Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka oo ku yaala xaafadda Buundoweyn ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro in lagu weeraray hoyga sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Macalin Xuseen (Ibraahim Deefow).

Xaaska sarkaalkan iyo canug uu dhalay ayay wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo lala xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xasillinta oo ciidamo isku dhaf ah, isla-markaana kaashanaya Xoogaga Macawiisleyda ee ku badan aagga Isbartiibada ee xaafadda Buundoweyne ay intaasi ka dib sameeyeen hawlgal ay kaga falcelinayeen qaraxaasi, isla-markaana ay dileen gabadha dhallinyarada ah ee xalay halkaasi lagu dilay.

Ma cadda in gabadhu ku lug lahayd qaraxaasi, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ciidamadu u dileen aargudasho ahaan, sababo ku aaddan aabaha dhalay oo ka tirsan Al Shabaab, isla-markaana uu falalka amni darrada ka soo abaabulo bannaanada magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in muddooyinkanba ay xaafadda Buundoweyn ku soo badanayeen qaraxyada ay Al Shabaab ka gaysaneyso xafaddaasi.

Waxaa xusid mudan in 6-dii bishii January ay Shabaabku miino ku xireen albaabka hoyga uu Ibraahim Deefow ka degan yahay Buundoweyn, inkastoo xilligaasi uu ka maqnaa hoyga, waxaana ka sii horreyay qarax kale oo sidaan oo kale loogu weeraray gurigaasi.

Ibraahim Deefow oo 7-dii January Warbaahinta kula hadlay agagaarka hoygiisa ayaa Shabaabka uga digay in ay waxyeeleeyaan qoyskiisa, haddii kalena uu si adag uga aargudan doono.

“War dagaal iyo is dil waa naga dhaxeeyaa, laakiin inaan maatada isku soo daba marno hadday keeneen, waa dagaal nacaseed. Ballan waxaan ku qaaday iyaga iyo ilmahooda qoorta inaan ka wada jaro.” Ayuu yiri Deefow oo xilligaasi ka digay in ay bartilmaameed noqon karaan xaasaska iyo carruurta ee Saraakiisha Al Shabaab.

Buundoweyn waxaa ka hawlgala ciidamo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska & Nabad Sugidda Beledweyne iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley oo si firfircoon u jooga, waana ciidamo isku dhaf ah oo loogu talagalay inay xaqiijiyaan amniga Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne.

Saraakiisha laamaha amniga ee Beledweyne ayaan weli ka hadlin dhacdadan xalay ka dhacday magaalada, oo noqoneyso mid ku cusub dadka deegaanka, waana fal aargoosi ah oo ciidamada aan looga baran inay kula kacaan xubnaha qoysaska Al Shabaab ee wax ka degan magaaladaasi, marka ay wax ka dhacaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc