Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay inay beegsadeen saddex kooxood oo shaqaalaha caafimaadka ah, oo isku dayayay in ay gaaraan goob ay Israel Arbacadan garaacday oo ku taala deegaanka Mayfadoun ee Koonfurta Lubnaan, halkaasna ay ku dileen saddex kalkaaliye, lix kalena ay ku dhaawaceen.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Israel ay markii ugu horreysay beegsatay ambulance ay la socdeen koox ka tirsan Ururka Caafimaadka Lubnaan oo ku sii jeeday goobta, isla-markaana uu weerarkaasi ku dhintay hal kalkaaliye, mid kalena weli la la’yahay.
“Ambalaas labaad oo Ururka Caafimaadka uu leeyahay, kuna sii jeeday goobta ayaa la garaacay.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
“Isku daygii saddexaad oo ay sameeyeen samatabixiyeyaasha Al-Risala Islamic Scouts ayaa sidoo kale la beegsaday, waxaana lagu dilay laba kalkaaliye oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa weeraradan ku tilmaamtay xadgudub qaawan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Israel ayaa dhowr jeer oo hore Xoogaga Xisbullah ku eedeysay in ay adeegsadaan Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee samatabixinta, iyadoo aan wax caddeymo ah soo bandhigin.
Xisbullah ayaa eedeynta Israel ku sheegtay mid raqiis ah, oo ay qiil ugu raadineyso dilka dadka rayidka ah.
Weerarada Israel ee ka dhanka ah shaqaalaha ambalaasyada ayaa ah kuwo soo noqnoqday, waxayna ciidamadeedu beegsadaan iyaga oo ku howlan naf badbaadin. Weeraradan ayaa samatabixiyeyaasha ka dhigay kuwo la dilay, la dhaawacay iyo qaar la waayay.