Home Dhacdooyin Ruushka oo weerarkii ugu weynaa ka gaystay Caasimadda Ukraine ee Kyiv (SAWIRRO)

Ruushka oo weerarkii ugu weynaa ka gaystay Caasimadda Ukraine ee Kyiv (SAWIRRO)

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya weerar habeenimo oo Ciidamada Ruushka ay ka gaysteen Magaalada Kyiv ee xarunta dalkaasi Ukraine, halkaas oo dad badani ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 25 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar culus oo Militariga Ruushka ay u adeegsadeen diyaarado drones iyo weliba gantaalo, taasoo uu Duqa Magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ku tilmaamay weerarkii ugu weynaa ee lagu soo qaado Caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Adeegga Gurmadka Degdegga ee Dowladda Ukraine ayaa sheegay in shan iyo sideetan qof ay ku dhaawacmeen weerarka ballaaran ee xalay uu Ruushku ka gaystay magaaladaasi.

Duqa Kyiv ayaa sheegay in xarun ambalaas ay ka mid tahay goobaha ay wax ka dhaceen.

Saraakiisha Ciidanka Cirka Ukraine ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay weeraro is daba joog ah ku soo qaadeen magaalada, oo ku bilowday daraasiin gantaalo ballaastik ah iyo cruise oo xigay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo bartilmaameedsaday magaaladaasi illaa waaberigii Khamiistan.

Militariga Ukraine ayaa duqayntan ugu dambeysay ku sheegay mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee soo wajaha nidaamka difaaca hawada ee dalkaasi.

Weerarka ayaa yimid wax yar uun ka dib, markii Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky uu dadka deegaanka uga digay in Ruushku uu isku diyaarinayo weerar uu ku soo qaado magaalada.

Moscow ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay duqeeyeen Xarumaha Militariga Ukraine, si ay uga aargutaan weerarada ay ku hayaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkaasi.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushku uu sii wadi doono cadaadiskiisa miltari ee Kyiv, si loo gaaro buu yiri yoolalka aan hiigsanayno.

Saraakiisha Ukraine ayaa Ciidamada Ruushka ku eedeeyay inay bartilmaameedsanayaan goobaha dadka rayidka ah, waxayna sheegeen inay khalad tahay in la is barbardhigo falalka gardarrada ee Ruushka iyo dal is difaacaya.

“Carruur ayaa ka mid ahaa tirada badan ee dadka ay waxyeeladu soo gaartay.” Ayuu yiri Madaxa Militariga Kyiv, Tymur Tkachenko oo Ruushka ku eedeeyay inay garaaceen dhismayaal la degan yahay.

“Cadowgu wuxuu mar kale si ula kac ah u bartilmaameedsanayaa meelaha la degan yahay oo wuxuu dilayaa dadka rayidka ah.” Ayuu yiri Tkachenko.

Maamulka tareenada dhulka hoostiisa mara ee Kyiv ayaa sheegay in 52,500 oo qof, oo ay ku jiraan 4,500 oo carruur ah ay xalay gabaad u soo raadsadeen saldhigyada dhulka hoostiisa ku yaala, taas oo maamulku uu ku sheegay tiradii ugu badneyd ee la arko sanadihii u dambeeyay.

Militariga Ruushka ayaa xilliyada qaarkood kordhiya duqaymaha cirka ay ka gaysanayaan Kyiv, si ay Ciidamada Ukraine ugu khasbaan inay joojiyaan weeraradooda wax iska caabinta, gaar ahaan in aysan beegsan gudaha Ruushka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc