Home Wararka Maanta Militariga Somaliya oo abaabul ballaaran ka wada Gobolada Dhexe

Militariga Somaliya oo abaabul ballaaran ka wada Gobolada Dhexe

by Laacib

Taliska Militariga Somaliya ayaa qaadaya tallaabooyin lagu xoojinayo hawlgalada militari ee ay Ciidamada Qalabka Sida maalin ka hor ka bilaabeen qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo Axaddii gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa Isniintii uga gudbay deegaanka Howlcaduur oo hoostaga degmadaasi, waxayna kula kulmeen dadka deegaanka oo sida la sheegay ay ku bogaadiyeen garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo kaalinta ay ka qaadanayaan hawlgalada lagu wiiqayo Al Shabaab.

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Militariga ayaa deegaankaasi uga sii gudbay dhinaca deegaanka Masagawaa, iyagoona ciidamada ku booqday goobaha ay ka degan yihiin, waxayna u sheegeen in looga baahan yahay in ay qayb ka noqdaan hawlgalada ka socda deegaanada Galmudug.

War shalay galab ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in Wasiir Fiqi uu ciidamada ku dhiirigeliyay in ay dhiig cusub ku shubaan dadaalada lagu dardargelinayo hawlgalada kooxaha argagixisada looga ciribtirayo deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Warka ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu dhankiisu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo sii wadista hawlgalada lagu xoreynayo deegaanada ay Shabaabku ku sugan yihiin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in masuuliyiintan ay sanad ciidan u geeyeen Ciidanka Guutada 77 ee Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 86aad ee Aar iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ee degan Masagawaa.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan la faray in ay si dhow ula shaqeeyaan cutubyada kale ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Degmada Ceeldheer, sidii ay markii horeba u wada-shaqayn jireen.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Militariga Somaliya ayaa la sheegay in ay diyaarado hub, rasaas iyo agab kale oo ciidan ku geeyeen Magaalada Dhuusamareeb, oo xarun u ah Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ururka 163aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab.

Saraakiisha Qaybta 21aad, gaar ahaan Guutada 27aad ayaa amar u haysta in la hubeeyo ciidamada diyaarka ah ee muddooyinkii u dambeeyay lagu diyaarinayay Xerada Militariga Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo boqolaal gaaraya ayuu sanadkii hore uu tababar uga furmay xeradaasi, waxaana lagu wadaa in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka, si ay gacan uga gaystaan hawlgalada dib u xoreynta dalka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadan uu qorshuhu yahay in ay noqdaan cutub ka tirsan Qaybta 21aad, isla-markaana hawlgalada ka fuliya deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhaqdhaqaaqyo kale oo ciidan ayaa laga soo sheegaya in ay ka jiraan koonfurta Gobolka Mudug, taas oo looga gol leeyahay in ciidamada ay si garbo siman uga hawlgalaan labada gobol.

Hawlgalada ka soo cusboonaaday Galmudug ayaa laga leeyahay in lagaga hortago khatarta Al Shabaab, ka dib dareen ka dhashay in Shabaabku ay carqalad ku noqon karaan habsamu u socodka Doorashooyinka Galmudug.

Dhaqdhaqaaqyada sii xoogeysanaya ee ka jira Galmudug ayaa lagu xaqiijinayaa amniga deegaanada doorashooyinka iyo in ciidamadu ay dhul cusub isku fidiyaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc