Dowladda Federaalka ayaa taageero militari siineysa Xerta Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug, si ay gacan uga gaystaan hawlgalada Gobolada Dhexe ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Taliska Taakulada ee Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilsan saadka, sahayda iyo daryeelka ciidamada ku sugan aagagga dagaalka ay hub iyo rasaas u wadaan degmooyinkaasi, si loo siiyo Daraawiishta Galmudug iyo Xerta Ahlu Sunna ee degmooyinkaasi.
Xerta Ahlu Sunna Waljameeca ee Wisil iyo Baxdo ayaa sidaan oo kale loo hubeeyay, intii uu socday wejiga 1aad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ee sanadihii 2023 iyo 2024 laga sameeyay deegaanada Galmudug.
Xertan ayaa ah xoogag diimeed iyo kuwo deegaanka ah oo u abaabulan la dagaalanka Al Shabaab, kuwaas oo horey Shabaabka ugu jebiyay weeraro si weyn loo soo qorsheeyay, oo ay doonayeen in ay kula wareegaan degmooyinkaasi.
Ujeedka ayaa u muuqda in Xoogaga Ahlu Sunna ee Baxdo iyo Wisil oo kaashanaya Ciidamada Ilaalo Shacab iyo Daraawiishta Galmudug lagu jiheynayo in ay culeys saaraan deegaanada ay Al Shabaab ka maamusho koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan Qodqod, Cammaara, Caad, Bacaadweyne, Shabellow, Jeex-jeexa, Yacgoos iyo Dhagaxdheer.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi uu Xerta Ahlu Sunna u arko kuwo kordhin cusub u noqon kara Ciidamada Qalabka Sida, kana caawin kara in goor horeba laga hortago in Al Shabaab ay cagta soo dhigto deegaanada laga qabanayo Doorashooyinka Galmudug.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bixiyay amarka lagu qalabeynayo Xerta Ahlu Sunna, isagoo tixgelinaya soo jeedinta Wasiir Fiqi.
Hawlgalada Galmudug ayaa ku xiran masiirka amni ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo midda Golaha Wakiilada Galmudug ee 25-ka bishan ka qabsoomaya 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa mudnaanta koowaad siinaya, sidii looga hortagi lahaa qorsheyaasha ay Shabaabku ku carqaladayn karaan xasilloonida Galmudug, xilliga doorashada.