Home Wararka Maanta Saraakiisha oo isku xiraya ciidamada ka hawlgala Galmudug iyo Hirshabelle (SAWIRRO)

Saraakiisha oo isku xiraya ciidamada ka hawlgala Galmudug iyo Hirshabelle (SAWIRRO)

by Laacib

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa abaabul ballaaran ka wada Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli la isku-dubariday hawlgalada Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa galabta kormeer shaqo ugu tegay ciidamada degan Degmada Cadale ee gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogag ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa ka hawlgala degmadaasi, oo ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe.

Ciidamadan ayaa door weyn ka qaata xaqiijinta in saadka Ciidamada Qalabka Sida uu si nabdoon uga gudbo waddada xeebta, iyadoo ciidamadan iyo kuwa kale ee degan deegaanka Wargaadhi ay laf dhabar u yihiin in laga hortago xanibaadaha Al Shabaab ee waddooyinka bariga Gobolka Shabellaha Dhexe iyo xeebta, kuwaas oo loo adeegsado gaadiidka gudbiya sahayda muhiimka ah.

“Masuuliyiinta ayaa ciidamada ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen hawlgalada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab, iyagoo ku dhiirigeliyey inay sii xoojiyaan dagaalka, adkeeyaan wada-shaqaynta shacabka, isla-markaana laba laabaan dadaalada lagu xaqiijinayo xoreynta deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga wararka ee Taliska Militariga.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Militariga ayaa riixaya istiraatiijiyad dhuleed oo la isugu xirayo ciidamada ku kala sugan Galmudug iyo Hirshabelle.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in Wasiir Fiqi iyo General Ibraahim Maxamed Maxamuud ay fulinayaan qorshe militari oo lagu xaqiijinayo amniga iyo isku xirka Ciidamada Hirshabelle iyo Galmudug.

Tallaabooyinkan ayaa si gaar ah u sii xoojinaya amniga deegaanada laga qabanayo doorashooyinka labada maamul iyo in ciidamadu ay si wadajir ah gacanta u saaraan Al Shabaab.

Qorshaha militari ee socda ayaa waxaa qayb ka ah in la nugleeyo awoodda Shabaabka muddada dheer dagaalka kula jiray Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo horey abaabul ballaaran oo ceynkani oo kale ah uga sameeyay deegaanada qaar ee maamulada ka dhisan bartamaha dalka ayaa ku guuldareystay in ay dhaqaajiyaan, waxaase la eegaya waxa hawlgaladan kaga duwanaan doonaan kuwii hore.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc