Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa kordhiyay hawlgalada gaarka ah ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waxaana uu talisku sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyadaasi, isla-markaana ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo xaqiijinta xasilloonida dalka.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa bishan saddex weerar oo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Jubbada Hoose oo Al Shabaab ay ka arrimiso.
Xoogaga Kumaandooska Danab ayaa 1-dii bishan gudaha u galay deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose. Bartilmaameedka ayaa ahaa horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab iyo xarun ay xabsi ahaan u adeegsanayeen, balse horjoogeyaashaasi ayaa ka baxsaday deegaanka, ka dib markii ay ka war heleen in ciidamadu ay ku soo socdaan deegaankaasi, sida lagu sheegay war xilligaasi uu Taliska Kumaandooska Danab soo saaray. Taliska ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen xabsi ay Al Shabaab ku dhibaateen jirtay shacabka, isla-markaana ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen raggii ilaalinayay xabsigaasi.
Habeenkii Axadda ee 5-tii bishan July, Kumaandooska Danab oo ay taageerayaan diyaaro dagaal ayaa weerar ku galay deegaanka Farsooley oo 30km jihada waqooyi uga beegan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliska Danab ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab iyo goobo ay si sharci darro ah ugu kaydsanaayeen hub. Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in weerarkaasi lagu dilay shan nin oo ka tirsanaa Al Shabaab iyo in qarax ka dhashay nin Shabaab ah oo is qarxiyay uu sababay in dab qabsado dhismayaal ay ku kaydsanaayeen hub iyo agab ciidan, halkaasna uu ku burburay kayd hub oo maleeshiyadu ay lahayd.
Arbacadii shalay, Kumaandooska Danab oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa weerar dhul iyo cirba leh ku qaaday deegaanka Baqdaad oo hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ayna ciidamadu deegaankaasi dagaal culus kula galeen maleeshiyada Al Shabaab.
Weerarka ayaa lagu dilay lix xubnood oo Shabaab ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay saddex horjooge oo nool, sida uu Taliska Danab ku sheegay war qoraal ah.
Weeraradan oo Ciidanka Danab ay fuliyeen maalmo yar gudahood ayaa calaamad u ah koror cusub iyo kordhin lagu sameynayo hawlgalada gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee lagu beegsanayo maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al Shabaab, waana xilli Kumaandooska Danab ay illaa bishii June si toos ah uga qayb qaadanayaan dagaalka Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada ku dhow dhow xuduudda Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, gaar ahaana deegaanada hoostaga Degmada Afmadow.
Danab ayaa ah mid ka mid ah ciidamada ugu tababarka iyo qalabka wanaagsan ee Militariga Somaliya, waxaana tababara Mareykanka.
Danab iyo Gorgor oo ah Ciidanka Kumaandooska ee ay maanta Somaliya leedahay ayaa laf dhabar u ah dagaalka lagu la jiro kooxaha argagixisada.