Home Wararka Caalamka Mareykanka iyo Iran oo ku dagaalamaya gacan ku haynta Marinka Hormuz

Mareykanka iyo Iran oo ku dagaalamaya gacan ku haynta Marinka Hormuz

by Laacib

Dagaalka Mareykanka iyo Iran ee ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe ayaa salka ku haya khilaaf ka dhashay gacan ku haynta iyo maamulka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marin biyoodka Hormuz, kaas oo ka duwan dagaalkii horaantii sanadkan ku dhex maray gobolka oo Mareykanka iyo Israel ay Iran ugu duuleen in la rido nidaamka ka arrimiya dalkaasi.

Mareykanka iyo Iran ayaa bishii June saxiixay heshiis ka kooban 14 qodob, oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro colaadda Bariga Dhexe. Qodobka 5aad ee heshiiskii is afgaradka ay labada dhinac ku heshiiyeen oo ku saabsanaa dib u furista Marinka Hormuz ayaa qeexaya in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay qaadi doonto tallaabooyin degdeg ah, oo ay ku hubineyso in maraakiibta ganacsiga ay si nabad ah ku maraan marinkaasi, isla-markaana ay biyaha ka nadiifiso miinooyinka.

Qodobkan ayaa sababay khilaaf dhanka tarjumaadda ah oo dib u huriyay xiisadda haatan ka dhex taagan labada dal ee xasillooni darrada u horseedday gobolka.

Ciidanka Badda Iran ayaa toddobaadkii hore rasaas ku furay laba markab oo marayay Marinka Hormuz, taas oo Tehran ay u sababeysay in ay ka weecdeen waddada la ogol yahay in ay maraan. Iran ayaan ogoleyn in maraakiibta xamuulka ee ka gudbaya Hormuz ay si furan ugu socdaalaan marinkaasi, sababtuna waa inuu ka horimanayo qorshaheeda ay mustaqbalka sida buuxda ugu maamuleyso marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Dowladda Iran ayaa ogol in maraakiibta ganacsiga ay ku gooshaan Hormuz, haddii ay raacayaan habka isku dubaridka dowladda dalkaasi ee habaynta amniga iyo badbaadada, taas oo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu si adag uga horyimid.

Ciidamada Mareykanka oo ka jawaabaya weerarka labadaasi markab ayaa 7-dii iyo 8-dii bishan duqeeyay bartilmaameedyo ku yaala gudaha Iran. Duqaymahan ayaa sababay isku dhac ballaaran oo dib uga dhex qarxay labada dhinac.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Axaddii ku dhawaaqay in marin biyoodka Hormuz uu xiran yahay, illaa amar dambe iyo inta uu Mareykanka ka joojinayo fara-gelinta uu ku hayo gobolka.

Madaxweyne Trump ayaa intaasi ka dib ku dhawaaqay hawlgal uu sheegay in ay ku wiiqayaan Ciidamada Iran, isla-markaana ay ku hubinayaan xorriyadda socdaalka maraakiibta ee Hormuz.

Trump ayaa Isniintii sheegay in Mareykanka uu soo celinayo go’doomintii Dekedaha Iran ee la qaaday bishii June. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa Talaadadii sheegay in la dhaqangeliyay xayiraadaha dib loo saaray dekedaha dalkaasi.

Trump ayaa Talaadadii Madaxda Iran ku eedeeyay kuwo beenaaleyaal ah, rabshado wada iyo in falalkooda xunxun ay dalka u horseedayaan burbur dhameystiran.

Militariga Mareykanka ayaa wada weeraro xagga cirka ah, oo Trump uu ku sheegay in meesha looga saarayo awoodda ay Iran u leedahay inay weerarto maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sugan marin biyoodka Hormuz.

Iran ayaa waxay ciidamadeeda wadaan tallaabooyin militari oo sida la sheegay ay kaga hortaggayaan inaanay lumin gacan ku haynta Hormuz.

Tallaabooyinka militari ee Iran ayaa qayb ka ah qorshe ay ku xaqiijineyso in marinkaasi uu gacanteeda ku jiro, iyadoona u adeegsaneysa gaashaan istiraatiiji ah oo ay ku xakameynayso weerarada Mareykanka iyo xulafadiisa.

Iran ayaa waxay xakamaynta dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee Hormuz u aragtaa isha ugu weyn ee ay ku joojin karto weerarada Mareykanka iyo fara-gelinta dibadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc