Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ciidamada ku booqday duleedka Teedaan (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ciidamada ku booqday duleedka Teedaan (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray aagga deegaanka Teedaan ee bariga Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa kormeeray difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan duleedka deegaanka Teedaan.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Sabtidii ka soo dhaqaaqay deegaanka Bukure ayaa soo dul degay deegaanka Teedaan, oo maleeshiyada Al Shabaab ay la wareegeen 2-dii bishan.

“Taliyaha waxaa socdaalka ku wehliyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Axmed Ciise Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri war xalay ka soo baxay Taliska Militariga.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Cali Axmed Xaashi (Cagey) ayaa warka lagu sheegay inuu Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiisha kale uu warbixin ka siiyay xaaladda ciidamada iyo hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ciidamada la hadlay ayaa ku amaanay naf-hurnimada iyo sida ay ugu taagan yihiin difaaca dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa bariga Gobolka Hiiraan ka wado dhaqdhaqaaqyo ay ugu diyaargaroobayaan guluf ballaaran, oo la doonayo in lagu wiiqo awoodda Al Shabaab.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Taliska Militariga uu ciidamo xoojin ah geeyay deegaanada u dhexeeya Magaalooyinka Matabaan iyo Maxaas ama Teedaan iyo Matabaan, kuwaas oo la rabo inay gacan ka gaystaan hawlgalka dib loogu qabanayo Teedaan.

Teedaan waa deegaan istiraatiiji ah oo isku xira Magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas, waana deegaan muhiim u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Shabaabka ayaa waxay u muuqdaan kuwo si aad ah ugu dagaalami doono deegaankaasi, marka aad eegto in gurmad xoog leh ay isaga keeneen Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, sida Magaalooyinka Aadan Yabaal iyo Ceelbuur, waase laga yaabaa inay dib uga baxaan Teedaan, haddii ay qiimeeyaan in xaaladdu ay adkaan doonto, si ay uga baxsadaan hawlgal hawada ah oo lagu taageerayo ciidamada dhulka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc