Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo difaacay deegaanka Cali Ganey ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo difaacay deegaanka Cali Ganey ee Gobolka Hiiraan

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa fashiliyay isku day ay Al Shabaab dooneysay inay ku qabsato deegaanka Cali Ganey ee bariga Gobolka Hiiraan.

Dagaal-yahano ka tirsan Al Shabaab, lana sheegay qayb ka mid ah kuwoodii 2-dii bishan qabsaday deegaanka Teedaan ayaa Jimcihii u jiheystay dhinaca Cali Ganey, iyadoo uu ujeedkoodu ahaa in ay la wareegaan deegaankaasi, oo aanay xilligaasi joogin ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in Macawiisleyda reer Hiiraan ay laba jeer jidka u galeen maleeshiyadaasi, ka hor inta aysan deegaankaasi soo gaareen ciidamo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey).

Ciidamada ayaa haatan si buuxda ugu sugan deegaanka Cali Ganey oo ka mid ah deegaanada ay ku soo barakaceen dadkii dhawaan ka soo cararay dagaaladii horaantii bishan ka dhacay deegaanada u dhexeeya Magaalooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Qoysas fara-badan oo ka cararay dagaalada ka dhacay deegaanada Suullaay, Xasan Raqay, Sulmo, Xagar iyo aagga Teedaan ayaa badbaado u raadsaday deegaanada Cali Ganey iyo Hees.

Qoysaskan ayaan guryahooda dib ugu soo laaban, bacdamaa ay weli baqdintu ka jirto deegaanada u dhexeeya Maxaas iyo Teedaan.

Ciidamada ayaa waxay diyaargarow ugu jiraan, sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Teedaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc