Home Wararka Maanta Dagaal ka socdo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Dagaal ka socdo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska horimaad uu ka socdo magaaladaasi, isla-markaana uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Wararka ayaa sheegaya in labada maleeshiyo uu iska horimaadka ku dhex marayo xaafadda Horumar, oo sidoo kale ay dadku u yaqaanaan Buulo Bacley.

Dagaalkan ayaa daba socdo nin horaantii bishan lagu dilay afaafka hore Saldhigga Booliska Miir oo ku yaala dhinaca ay maamusho Puntland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad hubeysan ay saaka isku dayeen inay aargudasho ahaan ugu dilaan nin kale oo ku sugnaa xaaafadda Horumar oo ka mid ah xaafadaha kala qaybiya labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland. Isku daygaas dil oo fashilmay ayaa kiciyay xiisad iyo dagaalka dhex maraya labada dhinac.

Magaalada ayaa waxaa weli laga maqlayaa rasaasta, iyadoo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Iska horimaadkan ayaa hakad geliyay isu socodka waddooyinka ay dadku isaga kala gudbaan ee koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo.

Ma jirto cid kala dhex gashay dhinacyada, waxaase socda dadaalo lagu dejinayo xaaladda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc