Home Wararka Maanta Kumaandooska Danab oo hawlgal u aaday Gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgal u aaday Gobolka Baay

by Laacib

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgal ka sameeyay deegaanka Yaaq-doomaar oo hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Ciidanka Ururka 161aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab oo inta badan ka hawlgala Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka gudbay xadka labada gobol, iyagoona hawlgal ka sameeyay deegaankaasi Yaaq-doomaar.

“Hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad iyo isku-abaabul. Intii uu hawlgalku socday waxaa ciidamada isku soo dhiibay xubin ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Danab.

Warka ayaa lagu sheegay “Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale burburiyay goobihii bartilmaameedka ahaa. Ujeeddada hawlgalkan ayaa ahayd wiiqidda dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta iyo xoojinta amniga deegaanada Gobolka Baay.”

Taliska ayaa warka ku sheegay in Kumaandooska Danab ay sii wadi doonaan hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalkan ayaa imanaya, xilli Militariga Itoobiya ee ka tirsan AUSSOM ay dhawaan ka baxeen Buurhakaba, isla-markaana ay xaalado amni ka jiraan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc