Maamulada Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Sabtidan kala qaaday labadii maleeshiyo beeleed ee maanta ku dagaalamay magaaladaasi.
Maamulada ayaa ciidamo isku dhaf ah kala dhex dhigay labada dhinac, iyagoona ku dadaalaya soo celinta xasilloonida magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA ay qayb ka yihiin ciidamada kala dhex galay dhinacyada, si xaaladda loo dejiyo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ay u suurtagashay inay kooxihii ku dagaalamay xaafadda Horumar ama Buulo Bacley ay ka raraan barrihii ay ku sugnaayeen, si looga hortago isku dhac dambe.
Dagaalkan ayaa daba socdo nin horaantii bishan lagu dilay afaafka hore Saldhigga Booliska Miir, wuxuuna dagaalku uu ka qarxay magaalada, markii maleeshiyo ku heyb ah ninka la dilay ay damceen inay nin kale aano ahaan ugu dilaan xaafadda Horumar, balse isku daygaasi oo fashilmay uu kiciyay xiisad iyo dagaalka maanta ku dhex maray xaafadda Buulo Bacley oo ka mid ah xaafadaha kala qaybiya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ee ka jira magaaladaasi.
Dagaalka oo socday dhowr saacadood oo xiriir ah ayaan weli la sheegin khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay, laakiin dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba uu jiro.
