Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Polizia Militare ayaa saqdii dhexe ee xalay gudaha u galay xaafadda Tookiyo ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada oo fulinaya amarka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xoog ku galay guryaha qoysas badan, iyaga oo faray in ay si dhakhsa ah alaabahooda uga qaataan. Ciidamada ayaa qoysaska ku wargeliyay in la duminayo guryahooda, si looga sameeyo waddooyin ay dadku maraan.
Arrintan ayaa waxay wax naxdin ah ku noqotay qoysaskaasi, oo ku dooday in ay si sharci ah u leeyihiin guryahooda oo sanad kasta ay ka dhiibayeen canshuurta uu qaado Maamulka Gobolka Banaadir, isla-markaana aan maalin qura loo jeedin digniin ku saabsan in la burburin doono iyo inay dowladda siineyso meelo kale oo ay deggaan.
Xaafadda Tookiyo ayaa waxaa hareeyay rabshado xoog leh oo halkaasi ku dhex maray qoysaskii la doonayay in guryahooda laga raro iyo ciidamada, ka dib markii dadku ay xaqiiqsadeen inaanu jirin wax qorshe ah oo dowladda ay dib-u-dejin ugu sameynayso.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dad shacab ah ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen rasaastii ay adeegsanayeen ciidamada, inkastoo laamaha amniga aysan wax war ah ka soo saarin tirada dadka wax ku noqday shaqaaqada ka dhacday xaafaddaasi.
Dhanka kale ciidamada ayay saacado ka dib u suurtagashay in ay goobta ka raraan qoysaskii deganaa, oo qaarkood agabyadooda ku qaatay gaadiid, qaar kalena ay la baxeen iyaga oo madaxa iyo gacmaha ku wata.
Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka iyo cagafyo ayaa xiray dhammaanba waddooyinka soo gala xaafadda, mana jirin cid gudaha u geli kartay xaafadda aan ka ahayn dadkii laga saarayay.
Habka uu Maamulka Gobolka Banaadir u maamulayo guryaha iyo dhulalka Muqdisho ayaa dareen iyo cabsi ka abuuray gudaha magaalada, iyadoo dadweynaha qaar ay cabsi ka muujinayaan in guryahooda la dumiyo ama dhulalka ay lahaayeen ay la wareegto Dowladda Federaalka, iyadoo aysan jirin cid ilaalineysa xuquuqdooda.