Dowladda Somaliya ayaa saad u gaysay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ka hawlgala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarad sidday hub iyo rasaas ay saacadihii u dambeeyay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud, ka dib markii ay ka timid dhanka Caasimadda Muqdisho.
Ciidamada Militariga iyo Booliska Gaarka ee Koonfur Galbeed ayaa helaya qalab iyo saad ay ku xoojinayaan dadaalada ay ku xaqiijinayaan amniga iyo difaaca Baydhabo.
Militariga ayaa Baydhabo u jooga inay gacan siiyaan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Booliska iyo Xoogaga Nabad Sugidda ee qaabilsan sugidda amniga ee gudaha magaalada.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka go’an in taageero buuxda la siiyo maamulka uu madaxda ka yahay Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo 10-kii bishii June loo doortay jegada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Villa Somalia ayaa sare u qaadday taageerada maamulka cusub ee Aadan Madoobe, ka dib dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee 17-kii bishan ka dhacay magaaladaasi.
Ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo xilligaasi magaalada ku soo qaaday weerar ballaaran ayaa waxaa ka dhashay cabsi iyo qalqal amni oo laga dareemay Baydhabo oo dhan.