Home Wararka Maanta Ciidamo cusub oo ku biiray ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen

Ciidamo cusub oo ku biiray ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen

by Laacib

Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo xubno kale ayaa duleedka Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay ciidamo cusub oo ku biiraya ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay inay ka yimaadeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan hawlgalka lagu xoreynayo Magaalada Baydhabo.

Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirkii hore ee Amniga ee Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ayaa laga soo xigtay in ciidamadan ay ku shaqeynayaan amarka Madaxweyne Laftagareen.

Saraakiisha iyo siyaasiyiinta deegaanka ee la safan Laftagareen ayaan aqoonsaneyn doorashadii 10-kii bishii June ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loogu doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Mucaaradka ayaa waxay ku doodayaan in Laftagareen uu weli yahay Madaxweyne Koonfur Galbeed, isla-markaana xoog looga qaaday xilka, xoogna ay dib ugu soo celinayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc