Home Wararka Maanta Cabdicasiis Laftagareen oo beeniyay eedayn uga timid Dowladda Federaalka

Cabdicasiis Laftagareen oo beeniyay eedayn uga timid Dowladda Federaalka

by Laacib

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa beeniyay in isaga iyo ciidamada taabacsanba ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ka amarka qaata Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa la sheegaa in ay si firfircoon u joogaan deegaanada qaar ee hoostaga Magaalada Baydhabo, tani oo keentay tuhun ah inay iskaashi la sameeyeen maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan bannaanada magaaladaasi.

Ciidamada ka soo horjeeda is bedelka siyaasadeed ee ay Dowladda Federaalka ka hirgelisay Baydhabo ayaa 17-kii bishan weeraray magaaladaasi, waxayna Wasaaradda Gaashaandhiga sheegtay in weerarkaasi ay ku lug lahaayeen Shabaabka, isla-markaana ay taageerayeen ciidamadii weerarka soo qaaday.

Cabdicasiis Laftagareen oo la hadlay BBC, lana weydiiyay su’aal ahayd Al Shabaab xiriir ma idiinka dhexeeyaa ayaa ku jawaabay “Maya.”

“Waa been iyo borabagaando iyo hadal aan sal iyo raad lahayn iyo dagaalka oo si xun loo isticmaalayo.” Ayuu yiri Laftagareen.

Laftagareen oo sii hadlayay ayaa yiri “Magaalada Baydhabo waa hal magaalo, Shabaab iskooda ayay u weerari karaan, laakiin maalintaasi Isniinta eheydoo 17-kii August, waxa Magaalada Baydhabo soo weeraray way caddahay, dokumentiyadii baa la hayaa, wayna duuban yihiin, Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed bay ahaayeen oo la yaqaanay oo saraakiishoodii iyo askartoodii leh.”

Laftagareen ayaa intaasi ku daray “Askartii la tababaray oo 8 sano Shabaab ka waardiyeynayay Baydhabo ayay ahaayeen. Shalay raggii Burjeed iyo Deynuunaay difaaca uga jiray bay ahaayeen oo Shabaab ku celinayay oo kula dagaalayay, wax sabab ah oo maanta Shabaab iyo ayaga ay weerar isku la soo qaadaan baahideeda ahna ma taalo, mana loo baahno.”

Laftagareen ayaa weli ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, mana aqoonsana Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo 10-kii bishii June loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc