Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo weli Shabaab kula dagaalamaya deegaanka Basra

Ciidanka Xoogga Dalka oo weli Shabaab kula dagaalamaya deegaanka Basra

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska caabin kala kulmaya xubno ka tirsan dagaal-yahanada Al Shabaab, oo weli ka dhex dagaalamaya godad ay ka qoteen deegaanka Basra, gaar ahaan qarka uu maro Webiga Shabelle ee deegaankaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Axaddii maleeshiyada Al Shabaab ka saaray inta badan dhufeysyadii ay ku lahaayeen hawdka ku xeeran deegaanka Basra, waxayna shalay illaa xalay fiidkii ay la tacaalayeen dagaal-yahanada ku harsan godadka ku yaala jiinka webiga.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay Talaadadan sii wadaan gulufka dagaal ee la doonayo in ay ku soo afjaraan joogitaanka Al Shabaab ee deegaanka.

Ciidamada oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa ku foogan, sidii ay Shabaabka uga saari lahaayeen godadka ay gabaadka ka dhiganayaan.

Hawlgalkan ayaa daba dheeraan kara, haddii Shabaabka wajahaya cadaadiska militari ay gurmad ka helaan dibadda deegaankaasi.

Deegaankan oo dhaca xadka Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe ayaa u dhexeeya Magaalooyinka Afgooye iyo Balcad.

Muhiimadda ay leedahay meesha Basra ku taala awgeed, waxay muddo dheer ahayd marin ay kooxaha hubeysan u adeegsadaan in ay isaga kala gudbaan Labada Shabelle.

La wareegitaanka ciidamada ee Basra ayaa sahleysa in la adkeeyo ammaanka duleedka Magaalada Muqdisho iyo in xasillooni lagu soo dabaalo deegaanada ku teedsan caasimadda ee Labada Shabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc