Home Wararka Caalamka Dagaalka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo si xun u dhaawacaya dhaqaalaha Boqortooyada

Dagaalka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo si xun u dhaawacaya dhaqaalaha Boqortooyada

by Laacib

Sacuudiga ayaa caqabado isku dhafan oo dhinacyada difaaca, amniga iyo dhaqaalaha kala kulmaya dagaalka lagu taageerayo Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay ee ka dhanka ah Xuutiyiinta oo Iran ay taageerto.

Xuutiyiinta Yemen oo adeegsanaya gantaalaha ballaastikada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ayaa beegsanaya xarumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa si firfircoon u garaacaya kaabeyaasha dhaqaalaha iyo militariga ee ku yaala gudaha dalkaasi, iyagoona burbur u gaysanaya garoomada diyaaradaha iyo xarumaha tamarta ee boqortooyada.

Sacuudiga ayaa waxyeelo dhaqaale iyo dib-u-dhac sanado ah kala kulmaya dagaalkan, marka aad eegto in nidaamkiisa difaaca hawada ay ka fara baxsanayaan drones-ka iyo gantaalaha ka soo dhacaya jihada Yemen, kuwaas oo si toos ah u garaacaya kaabeyaashiisa ugu muhiimsan.

Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Xuutiyiinta ay 20-kii bishii July ku dhawaaqeen go’doomin badeed oo ka dhan ah Dekedaha Sacuudiga, iyagoona sheegay in maraakiibta ku wajahan ama ka imanaya dalkaasi aysan adeegsan karin Badda Cas iyo Marinka Bab El-Mandeb. Ku dhawaaqista Xuutiyiinta ayaa ka dambeysay, ka dib weerar xagga cirka ah oo 13-kii July lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Sanca, taas oo Xuutiyiinta ay ku eedeeyeen inuu gaystay Sacuudiga.

Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen, General Turki Al Maliki ayaa xilligaasi sheegay inaanan la ogolaan doonin xayiraadaha dhanka badda ee ay Xuutiyiinta ku soo rogeen Dekedaha Sacuudiga, waxayna 24-kii July duqeeyeen bartilmaameedyo militari oo Xuutiyiinta ay ku leeyihiin Magaalada Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran ee Galbeedka Yemen, taasoo aad uga carreysiisay ururka reer Yemen, keentayna in ay weeraraan maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga.

Weeraradan ayaa dhabaha u xaaray in dagaal ballaaran uu bishii September ka dhex qarxo Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, tani oo xaaladda uga sii dartay.

Sida ay horeyba u saadaaliyeen khubarada dhanka militariga, Sacuudiga ayaa noqday kan khasaaraha ugu weyn kala kulmay dagaalka weli socda ee isbahaysiga uu hoggaamiyo uu kula jiro Xuutiyiinta.

In kasta oo Sacuudigu uu leeyahay awood militari oo baaxad leh, haddana weerarada ay Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaasi waxay muujiyeen nuglaanta iyo inaanan si buuxda loo wada difaaci karin kaabeyaasha muhiimka ah ee dalkaasi.

Muddada uu dagaalku socdo, Xuutiyiinta Yemen ayaa boqolaal gantaal oo nooca ballaastikada iyo diyaarado drones ah ku weeraray magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi sida Riyadh, Jizan, Najran, Dhahran, Yanbu, Abha iyo Abqaiq.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa sidoo kale carqaladeeyay duulimaadyada rayidka ee dalkaasi, waxaana xusid mudan in duulimaadyada caalamiga ah ay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen dalkaasi. Dagaalka Xuutiyiinta ayaa qalqal amni oo aan horey loo arag ka abuuray gudaha Sacuudiga, waana culeys soo kordhay oo muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool dalkaasi ay dareemeen.

Iyadoo waxaas oo dhan oo dib-u-dhac ah ay jiraan, Sacuudiga ayaa la sheegaya in weli uu ballaayiin dollar oo hor leh ku bixinayo iibsashada hubka, saadka iyo hawlgalada cirka, iyadoo tani ay culeys weyn ku tahay miisaaniyadda dalka, xilli boqortooyada ay wadday hirgelinta qorshaha nashqadaynta dhaqaalaha ee 2030. Qorshaha Riyadh ee hiigsiga 2030 ayaa ah qorshe uu sanadihii u dambeeyay riixayay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman oo lagu casriyeynayo dalka iyo ballaarinta dhaqaalihiisa, si aan loogu tiirsanaan keliya dakhliga saliidda, loona abuuro ilo kale oo dhaqaale, iyadoo la soo jiidanayo dalxiiseyaasha iyo maalgashiga shisheeye.

Mohammed bin Salman, Raysal Wasaaraha Sacuudiga ayaa la sheegay inuu raadinayo xulafo cusub, oo ka qayb qaata dagaalka ay hormuudka ka tahay Dowladda Yemen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc