Home Wararka Maanta Ciidamada Laftagareen oo la wareegay gacan ku haynta Awdiinle

Ciidamada Laftagareen oo la wareegay gacan ku haynta Awdiinle

by Laacib

Ciidamo horey uga tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ayaa maanta bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi Baay.

Xoogagan ayaa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kaas oo hoggaaminaya kacdoon lagaga soo horjeedo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo soo dhaweynaya ciidamada la wareegay Awdiinle oo 30km dhanka galbeed uga beegan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadan ayaa si la yaab leh isugu fidinaya magaalooyinka iyo deegaanada ku dhow dhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo meelaha ay illaa iyo hadda qabsadeen aanay iska caabin kala kulmin, marka laga soo tago Buurhakaba.

Taageereyaasha Laftagareen ayaa waxay hadda u muuqdaan kuwo si buuxda u go’doomiyay Baydhabo, inkastoo garabka Laftagareen aanu weli ku dhawaaqin in ay go’doomiyeen magaalada amaba ay cunaqabatayn ku soo rogayaan.

La wareegitaanka Buurhakaba oo 60km u jirta Baydhabo, Qansaxdheere oo 98km u jirta iyo Berdaale oo 50km u jirta ayaa culeys weyn ku ah Maamulka Aadan Madoobe.

Qalalaasaha siyaasadeed iyo ciidan ee Koonfur Galbeed ayaa xoogeystay, ka dib markii ciidamada taabacsan Laftagareen ay toddobaadkii hore bedeleen istiraatiijiyadda dagaalkoodii ku koobnaa Baydhabo, markaas oo ay bilaabeen inay qabsadaan magaalooyinka muhiimka ah ee ku xeeran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc