Home Wararka Caalamka Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay diyaaradaha dagaalka Typhoon u direyso Sacuudiga

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay diyaaradaha dagaalka Typhoon u direyso Sacuudiga

by Laacib

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay diyaaradaha dagaalka Typhoon u diri doonto ama gayn doono Sacuudiga, si ay uga qayb qaataan difaaca hawada dalkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Typhoon ee Ciidanka Cirka Ingiriiska (UK) ayaa waxay fulin doonaan hawlgalo difaac oo keliya, iyagoo gacan ka gaysanaya ka hortagga weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadayaan gudaha Sacuudiga.

Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Wes Streeting ayaa Talaadadan xaqiijiyay in diyaaradahani aysan qaadi doonin wax weerar ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

“Diyaaradahan waxay u hawlgeli doonaan door difaac ah, mana qaadi doonaan weeraro dagaal oo ka dhan ah Xuutiyiinta.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.

Go’aankan ayaa yimid, xilli Xoogaga Xuutiyiinta ay beegsanayaan garoomada diyaaradaha iyo xarumaha saliidda ee Boqortooyada Sacuudiga, iyagoo kaga aargudanaya weerarada dhanka cirka ee uga imanaya Riyadh.

Mohammed bin Salman, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero ka raadinaya xulafada caalamiga ah iyo kuwa gobolka, si loo xakameeyo weerarada Xuutiyiinta.

Inkasta oo Sacuudiga uu ka mid yahay dalalka ugu iibsashada badan hubka iyo gantaalada difaaca hawada, haddana weerarada Xuutiyiinta ayaa muujiyay in uu nugul yahay difaaca cirka ee boqortooyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc