Maxkamadda Shareecada ee Puntland (Guddiga Culimada) ayaa maanta xukun ka soo saartay kiis muddo soo jiitamayay, oo laba qoys ay isku haysteen cidda dhashay wiil lagu magacaabo Maxamed Yare.
Maxkamadda Shareecada ee Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa xukuntay in wiilka uu dhalay Liibaan Tahliil Xaaji Aadan, oo ah mid ka mid ah labadii nin ee wiilka isku haystay, isla-markaana aanu dhalin ninkii kale ee muranka uu kala dhexeeyay oo lagu magacaabo Faarax Cawil Cali.
“Ka dib markii Xaliimo Yuusuf Maxamed, wiilka hooyadiis ay u qirtay wiilka in uu dhalay Liibaan Tahliil Xaaji Aadan, oo uusana dhalin Faarax Cawil, dhaar ka dib.” Ayuu yiri Garsooraha Maxkamadda oo intaasi ku daray “Ka dib markii wiilka lagu wareystay foggaan arag maxkamadda horteeda, isagoo qaangaar ah oo caaqil ah, caafimaad qaba, sheegtayna inuu jiro 16 sano, ka caddeeyay markii maxkamadda horteeda la weydiiyay nasabkiisa inuu yahay Maxamed Liibaan Tahliil, oo uusana ahayn Ina Faarax Cawil.”
Garsooraha oo ku dhawaaqay xukunka ayaa yiri “Sidaa darteed wiilka waxaa u sugnaatay nasabaddiisa inuu yahay Maxamed Liibaan Tahliil, waxaana anfoobay sheegashadii Faarax Cawil Cali uu sheegtay wiilka. Sidaas darteed waxay u xukuntay maxkamaddu inuu dhalay wiilka Liibaan Tahliil Xaaji Aadan. Wa Billaahi Towfiiq.”
Liibaan Tahliil oo intaasi ka dib ka hadlay goobta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka, isla-markaana dhibaatadii ka dhalatay kiiskaasi xal laga gaari doono.
“Waxaan ka codsanayaa dadka ehelada ah ee labada dhinac arrinta halkaa in lagu soo geba-gabeeyo, waxtar ma ahanee dhibaato dambe arrintaasi inaanan loo gaysanin.” Ayuu yiri Liibaan Tahliil oo loo xukumay inuu wiilka dhalay.
Faarax Cawil, oo ah ninka dacwadda looga guuleystay ayaa dhankiisa aqbalay go’aanka maxkamadda, inkastoo uu dalbaday wixii kharash ah ee kaga baxay koriimada wiilka.
Kiiskan oo muddo soo jiitamayay, isla-markaana abuuray xiisad weyn ayaa sababay dhimashada toddobo qof iyo dhaawaca 21 kale.