Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Galmudug oo dadka deegaanka siiiyay laba ikhtiyaar oo keliya

Hoggaamiyaha Galmudug oo dadka deegaanka siiiyay laba ikhtiyaar oo keliya

by Laacib

Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan ayaa dadka reer Galmudug kala doora siiyay inay la dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab amaba ay ka mid noqdaan maleeshiyadaasi, isagoo caddeeyay in aysan jiri karin meel dhex ah oo la istaago, marka ay timaado amniga deegaanada Galmudug.

Hoggaamiyaha la doortay ee Galmudug ayaa tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in ay Shabaabka u soo dhawaadaan Magaalada Dhuusamareeb.

“Suurtagal ma aha Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug oo aan rabno mashaariic badan iyo shaqooyin badan in laga qabto, ayna noqoto Caasimadda Caasimadaha Dowlad Goboleedyada ugu wanaagsan inay nimankaas 25km illaa 30km ay deris la ahaayeen.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Galmudug.

Waxa uu sheegay in dadka reer Galmudug ay u dhexeyso laba dariiq oo keliya, oo uu ku kala sheegay inay la dagaalamaan Al Shabaab amaba ay dhankooda u go’aan, balse aan marnaba loo dulqaadan doonin dad dhexdhexaad iska dhigaya oo maleeshiyada si uun ula shaqeeya.

“Odayaasha, qaraabada iyo dadka xiriirka nimankaasi la soo sameynayaan telefoonadooda ha iska daayaan. Dadku meel dhexe ma taagnaanayaan, niman Khawaarijtaas ka mid noqdo iyo niman safkeenna dadka Khawaarijta la dagaalamayo noqdo ayaan u dhexeen doonnaa, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Hoggaamiyuhu.

Liibaan Axmed Xasan, Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka digay “Qof nimankaasi la hadlay naguma dhex noolaanayo darajo kasta ha haysto. Warkaas waxaan u malaynayaa inuu cad yahay.”

Hoggaamiyaha Galmudug ayaa hadalkan ka sheegay kulan qado sharaf ah, oo ay maanta ku maamuustay beesha aqlabiyadda Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc