Home Wararka Maanta Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee Somaliya iyo Turkiga oo ku kulmay Ankara

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee Somaliya iyo Turkiga oo ku kulmay Ankara

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) ayaa Magaalada Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga General Metin Tokel, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada ciidan iyo kor u qaadista cududda Ciidanka Xoogga Dalka, sida lagu sheegay war caawa ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

“Labada taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada ciidan iyo kor u qaadista cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).” Ayaa lagu yiri warka.

“Gen. Khaalid ayaa uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo ciidankeeda garab istaagga naf-hurnimada leh ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu sheegay warka oo lagu xusay “Taliyuhu waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay tababarka iyo qalabeynta Guutooyinka 21aad iyo 22aad ee Qaybta 1aad ee Gorgor, kuwaas oo lagu tababaray, laguna qalabeeyay dalka Turkiga.”

Warka ayaa intaasi ku daray “Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay xafladda tartanka wadista drone-ta oo ka dhacday Magaalada Ankara, ayna ka qayb qaateen daljireyaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyuhu waxa uu uga mahadceliyay dadaalkooda.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc