Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay deegaanka Jameeco

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay deegaanka Jameeco

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay jug kala kulmeen maleeshiyada Al Shabaab, ka dib dagaal faraha looga gubtay oo gelinkii dambe ee Isniintii ku dhex maray agagaarka deegaanka Jameeco oo hoostaga Degmada Buurhakaba.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay weerar dhabagal oo gaadmo ah ay kala kulmeen maleeshiyada, xilli ay isku fidinayeen waddada laamiga ee isku xirta Degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba, gaar ahaan jidka Leego iyo Jameeco.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay dagaalkan u adeegsatay qaraxyo fara-badan, oo leh gaadiid lagu soo raray walxaha qarxa iyo miinooyin ay si xiriir ah ugu aaseen hareeraha waddada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay tuulada Qardho oo hoostagta deegaanka Jameeco, halkaas oo muddo dheer ay Shabaabku maamulayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkan uu weeciyay amaba uu dib-u-dhigay gulufkii Ciidanka Xoogga Dalka ee ku wajahnaa Buurhakaba, si ay uga saaraan ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo 15-kii bishan dagaal kula wareegay gacan ku haynta degmadaasi.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in tobanaan askari oo isugu jira Kumaandooska Gorgor, Danab iyo ciidamo ka tirsan Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka lagu dilay dagaalka, tobaneeyo kalena dhaawacyadooda la soo gaarsiiyay isbitaalo ku yaala Caasimadda Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo weliba hub.

Saraakiisha Militariga ayaa sidoo kale kuu sheegaya in ay jiraan tiro askar ah oo dagaalka lagu waayay, isla-markaana uu socdo baadigoobkooda iyo xiriirada lagu raadinayo askartaasi.

Weerarkan ayaa muujinaya inaanan weli waxba laga baran, isla-markaana aan loo jeedsan, sidii looga hortagi lahaa khatarta qaraxyada mintidiinta Al Shabaab, bacdamaa ay qaraxyadu yihiin hubka ugu weyn ee ay sannaha badan u adeegsanayeen dagaaladooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc