Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa saaka weerar xooggan ku qaaday deegaanka Burjeed oo 11km dhinaca bari ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay halkaasi dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday kula galeen Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed ee fariisimaha ku leh deegaankaasi.
Dadka ka ag-dhow aagga ayaa sheegay inay maqlayeen qaraxyo, isla-markaana aysan sheegi karin, haddii ay ka dhasheen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo weerarka qayb ka ahaa iyo haddii ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ka taageera hawlgalada hawada.
Inkasta oo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed aysan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay deegaankaasi, haddana garabka Laftagareen ayaa guulo ka sheegtay.
Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in ay ciidamadoodu xasilliyeen, isla-markaana ay iyagu haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Deegaanka Burjeed ayaa ka mid ah fariisimaha iyo baraha kontorool ee ugu muhiimsan ee laga ilaaliyo amniga Baydhabo.
Kontoroolkan ayaa waxaa si adag loogu baaraa gaadiidka iyo dadka magaalada ka soo gelaya dhanka bariga, maadaama uu saaran yahay waddada laamiga ee isku xirta Baydhabo, Buurhakaba iyo Muqdisho.
Ciidamada Laftagareen ayaa bishan si buuxda ula wareegay Degmooyinka Buurhakaba, Berdaale, Diinsoor iyo Qansaxdheere, taas oo ka dhigan inay maamulaan inta badan Degmooyinka Gobolka Baay, iyadoo Baydhabo ay tahay degmada keliya ee gobolkaasi ee ku harsan gacanta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.