Ugu yaraan, inta la xaqiijiyay lix askari ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii siyaabooyin kala duwan Ciidanka Xoogga Dalka laba qarax loogu la eegtay duleedka Magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa hore gelinkii dambe ee Axaddii lala beegsaday ciidamo lugeynayay, isla-markaana ka ambabaxay Baydhabo, kuna sii jeeday deegaanka Deynuunaay oo 26km dhanka bari uga beegan magaaladaasi.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay saddex askari oo midkood uu ahaa sarkaalkii watay ciidamadaasi, oo lagu magacaabayay Dhamme Cabdiraxmaan Cismaan Maxamed (Saylici).
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa labaad uu xalay fiidkii ka dhacay, inta u dhexeyso Baydhabo iyo deegaanka Burjeed oo 11km jihada bari uga toosan magaaladaaasi, isla-markaana saaran jidka laamiga ee isku xira Baydhabo iyo Deynuunaay.
Ciidamadan oo la socday gaari uu noociisu Cabdi Bile ahaa ayaa la sheegay in uu haleelay qarax lagu aasay waddada dhinaceeda, isla-markaana ay ku dhinteen saddex askari, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Baydhabo ayaa inoo sheegay in labada qarax ay wadar ahaan ku dhinteen lix askari, saddex kalena ay ku dhaawacantay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, marka laga soo tago in si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.